Arday Ka Baxday Dugsiyada Noradin Oo 28 Kaalmood Ee Ugu Horeeya Ka Galay Imtixaanka Jaamacada Hargeysa Ee Kuliyada Caafimaadka

0
863

Hargeya(SDN)Maamulka dugsiyada Noradin oo xaflad dhiiri galin ah u sameeyey 28 Arday oo ka mid noqday ardayda nasiibka u helay in ay ka mid noqdaan kuliyada Caafimaadka ee jaamacada Hargeysa kuwaasi oo la qaadanayey 45 taasi oo ka dhigaysa habka boqolayda ah in ardaydaasi 63% Boqolkiiba Lixdan iyo sadex ay ka mid yihiin ardaydii ka soo baxday Dugsiyada Noradin oo iskugu jirta 14 Wiil iyo 14 Gabdhood.

 

Ugu horayntii waxa halkaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiyada sare ee Noradin Ismaciil Maxamuud Cakuush kaasi oo ku dheeraaday taabkii ay ardaydaasi soo galiyeen in uu maanta dhaliyey in ay meel sare gaadhaan oo ay la tartamaan in ka badan 650 Arday oo ka kala imid guud ahaan dalka oo dhan kuwaasi oo laga rabay 45 Arday oo 28 ka mid ah yihiin ardayda Dugsiyada Noradin ka baxday.

Geesta Kale waxa halkaasi ka hadlay Ayaanle Axmed Saleeban oo ah hormuud ku xigeenka Kuliyada Caafimaadka ee jaamacada Hargeysa kaasi oo hadalo duco iyo waano ah u jeediyey ardaydan ku guulaystay kaasi oo u sheegay in maanta looga baahan yahay dadaal badan oo ay sameeyaan si ay u gaadhaan hadafkooda mustaqbal.

 

Maxamuud Cabdi Jaamac xuuto Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliland oo Ku hadlayey afka waalidiinta ay ardaydoon ka mid noqdeen ardayda ku guulaystay kuliyadaasi ayaa  halkaasi ka sheegay in uu ku farax san yahay in maanta ay ardaydaasi guushaa gaadhaan oo ay ka mid noqdaan ardayda ugu cad cad somaliland oo dhan taasi oo ku timid dadaal ay wada sameeyeen Maamulka dugsigaNoradiin,Ardayda Iyo Waalidiinta oo si joogta ah uga war haya ardaydaasi.

Mid ka mid ah ardayda ku guulaystay kuliyada caafimaadka ee Jaamcada Hargeysa oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in ay maanta rabaan in loo duceeyo si ay ugaadhaan hiigsigooda taasi oo sheegtay in ay duco u diraysa dhamaan cid kasta oo wax soo bartay oo ay si gaar ah u xustay macalimiinteedii dugsiga Noradin.

Isu-Duwaha Diinta iyo awqaafta gobolka Maroodi-jeex Sh, Maxamed Ibraahin Jaamac ayaa halkaas hadalo duco iyo waano ah u jeediyey ardaydan maanta ku guulaystay waxaanu u sheegay in ay yihiin mustaqbalkii bari ee dalkani lahaa taas badalkeedana ay maanta noqdaan kuwo ka faaiidaysta wakhtiga muhiimka ah ee ay haystaan waxaanu sheegay in ay dadaal badan sameeyaan oo maanta ay waxbarashadu ka culustayhay tii ay ku baranayeen dugsiga sare.

Gebo-Gebadii waxa halkaasi ka hadlay Mukhtaar Xasan Muuse Cawil oo ka mid ah macalimiinta dugsiyada Noradin kaasi oo sheegay in ay farxad weyn u tahay in maanta uu arko ardaydii ay hadh iyo habeen tacabka galiyeen sida ay uga soo dhex muuqdeen arday badan oo ka kala timid guud ahaan dalka oo dhan waxaanu sheegay in ay dadaal dheeraad ah muujiyaan kuliyada Caafimaadkuna ay ka rabto dadaal dheeraad ah oo ay sameeyaan kaasi oo duco badan u jeediyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here