Aqoonyahanka, Dhalinyarada Iyo Haldoorka Beesha Bariga Hargeysa Oo Taageertay Suldaan Xiirey

0
225

Hargeisa(SDN)Hadaanu nahay cuqaasha,waxgaradka,aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha bariga hargeisa, waxaanu baaq taageero ah u diraynaa goaankii geesinimada lahaa ee uu afhayeenka salaadiinta Somaliland suldaan yuusuf muxumed xiirey ka soo saaray arimaha ka taagan xerada ciidamada  qaranka jamhuuriyada Somaliland ee xaafada masallaha,waxaana hadaladii afhayeenka salaadiinta ka mid ahaa:

 suldaan xiiray

 “Ciidanka qaranku wuxuu qarankan u yahay halyeeyga kowaad. waa kuwa qaranka iyo  dalkanba Aanu ku ilaashano , waa ragga faramaha jooga ee qaranka ilaalinaya ee habeen walba  u soo Jeeda ee aynu ku hurudno, kuna  seexano. waxanan bulshada somaliland  iyo xukuumadaba  aan U soo jeedinayaa in ciidanka qaranka xeryahooda la ilaaliyo isla markaana qaran nimadooda iyo Sharaftooda la ilaaliyo, in laga dhigo shakhsiyaad ama beelo waad mid xaaran ah.”

Sidoo kale Waxaanu aad u cambaaraynaa  hadalo ka soo yeedhay niman ka soo jeeda deegaanka KOONFURTA HARGEISA oo u ka mid yahay ninka lagu magacaabo CAWIL MAXAMED FIIQLE,ayaa waxaa uu sheegay in dhacdadii beerta bariga hargeisa ka dhacayday kal hore,ay ka aamuseen beeshoodu oo aanay marnaba ka hadlin.

Hadaba waxaanu leenahay waxaa haboon in laga fiirsado waxa lagu hadlayo ee warbaahinta la soo galinayo iyadoo ay dhacdadaa beerta bariga hargeisa, ay ka hadleen salaadiidiin,masuuliyiin iyo waxgarad dalkan magac iyo maamus ba ku le isla markaasina uga hadleen si isku mida iyagoo dhamaantood ka soo jeeda  beeshaa koonfurta hargeisa waxaana hadaladoodii ka mid ahaa:

SULDAAN MAXAMED SULDAN CABDIQAADIR:16.05.2013,ayaa suldaanku ka hadlay arinkan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ”waxaanu cambaaraynaa raga ciidamada qaranka la galiyay ee hubka loo soo dhiibay,iyadoo ay tahay shirqool la soo ababulay.”XAAJI CABDI WARAABE:18.05.2013,ayaa isaguna ka hadlay arimahaa beerta bariga hargeisa ayaa waxaa hadaliisii ka mid ahaa”waxaa dhacday wax weyn oo waligeed hore uga dhicin Somaliland,dibna uga dhici doonin,xero ciidanbaa shalay la weeraray waxaanan leeyahay waa dambi qaran dawladuna waajibkeeda ha qabsato.”FAYSAL CALI WARAABE:18.05.2013,ayaa faysal waxaa isaguna ka hadlay dhacdadan oo sidaa kuwa horaba sheegeen uu isna u sheegay inay tahay dambi qaran oo la soo abaabulay,isla markaasina dawladu qabsato waajibaadkeeda qaran.

Hadaba waxaanu halkan ka cadaynaynaa in dhamaan hadaladaas ay masuuliyiintaasi ku hadleeen iyagoo qoraala iyo iyagoo daawashabaa aanu soo bandhigi doono marka loo baahdo.iyadoo hadaladaa ay madaxdaasi ku hadleen ay yihiin hadalo deelqaaf iyo meel ka dhac ku ah beesha bariga hargeisa ayaanan hadana ka hadlin beeshu.

Iyadoo arimahaasi oo dhan ay jiraan oo dhulkayagi,deegaankayagii iyo beerahayagii  ay ahyd,iyadoo rag naga dhinteen,ragna naga dhaawacmeen qaarna dil lagu xukumay ayaad hadaladaas ku hadlayseen,iyadoo intaaso dhami jirto waa tii afhayeenka salaadiinta Somaliland SULDAAN YUUSUF MUXUMED XIIREY,uu xaalka siinayay umadda reer Somaliland,waxaa jirta maahmaah soomaliyeed oo tidhaahda”ama afeef hore lahaw ama adkaysi dambe lahow.”

Waxaanu ku soo gababaynaa,hadaanu nahay waxgaradka,aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha bariga hargeisa waxaanu leenahay nimanka masuuliyiinta ee maanta sidaa u hadlaya ee ka fiirsanayn waxay ku hadlayaan maxaad u malaynaysaa kuwa ka hooseeyana,ciidamada qarankana waxaanu leenahay ,ciidamanka qaranka sharaftooda hala ilaaliyo oo halaga daayo waxyaabahan warbaahinta loo marinayo ee deelqaafka ku ah ciidanka,suugaan soomaliyeed ayaa tidhaahda:”gartaan xidho,gudoonkaan rido,iyo taladaan gooyo,dabaday nin gaasoo furaa gibinba weeyaane.”

Wabilaahi tawfiiq.

Waxgaradka beesha bariga hargeisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here