Aqoonyahan Maxamed Cali Bile Oo Xalay Ka Jeediyay Jaamacada ADMAS Mawduuca Iswaafajinta Cilmiga Iyo Aqoonta

0
411

Hargaysa (SDN) Habeenkii xalay ahaa ayay jaamacada Admas ay magaalada Hargaysa ku qabatay barnaamij ciwaankiisu ahaa iswaafajinta aqoonta iyo Cilmiga oo uu soo jeedinayay aqoonyahan Maxamed Cali Bile.

 

 

Waxaa aqoonyahanka ku wahelinayay barnaamijkan uu ujeediyay xalay ardayda jaamacada Admas ururka Midawga Haldoorka Dhalinyarada Somaliland ee SAMOTALIS.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka haa maamulka, macalimiinta iyo qaybaha kala duwan ee ardayda wax kabarata Jaamacada ADMAS.

Ugu horayna waxaa sharaxay ujeedada kulanku daarnaa Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo sidoo kalana jaamacada ku soo dhaweeyay Aqoonyahan Maxamed Cali Bile iyo Ururka Samotalis.

 

 

Gudoomiye Xuseen ayaa sheegay in aqoonyahan Maxamed Cali Bile uu ka mid yahay aqoonyahanka dalkoodii kula soo laabtay cilmigii ay barteen si ay uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkoodaba.

 

Waxaa uu usoo jeediyay ardaydii ka qayb gashay dhagaysiga mawduuca iswaafijinta aqoonta iyo Cilmiga inay dhugtaan qodobada uu aqoonyahanku usharixi doono “mawduucani waa mawduuc aad inoo khuseeya dhamaanteen, waxaanu mawduucani mawduucyadii hore kaga duwan yahay waxa uu ku soo dhawyahay waaqiciga dhabta ah sababtoo ah ardaygu marka uu qalin jabiyo waa marka uu waaqiciga dhabta ah wajahayo” ayuu yidhi Gudoomiye Xuseen.

Gudoomiyaha ayaa ardayda usoo jeediyay inay inta uu barnaamijku socdo ay siwanaagsan udhagaystaan gaba gabadana ay waydiiyaan su’aalo waxa ay hayaan.

 

 

Cabdinaasir Axmed Iidaan oo ah gudoomiyaha ururka Samotalis ayaa isna faahfaahin kabixiyay hawlaha uu qabto ururka Samotalis oo ahaa ururkii soo abaabulay barnaamijka “  runtii ururkan Samatalis waxaa la aasaasay laba sanno kahor, ujeedada loo aasaasayna waa in uu jiheeyo dhalinyarada Somaliland ee Jaamacadaha ka baxaysa” ayuu yidhi.

Gudoomiye Cabdinaasir ayaa ka sheekeeyay dhalinyada Somaliland ee tahriibka badaha ugu dhimanaya.

Cabdicasiis oo ka socday shirkada Sompawer ayaa isna ka sheekeeyay dhibaatooyinka ka hor yimaada ardaydu marka ay dhameeyaan jaamacadaha ee ay shaqo doontaan, isagoo ardaydana kula taliyay inay marka hore xidhiidh lasiisameeyaan meelaha shaqada ay kadoonanayaan.

 

 

 

Sidoo kale aqoonyahan Maxamed Cali Bile ayaa siwayn ugu faahfaahiyay ardaydii ka soo qayb gashay dhagaysiga barnaamijka isagoo su’aalo toosa waydiiyay qaar kamid ah ardaydii dhagaysanaysay barnaamijka. “ Tacliinta waxaynu ugalnaa inaynu shaqo abuurno ama aynu cid ushaqayno, inta badana dadka wax soo barta xirfadii ayaa kamaqan, xirfaduna waxay uqaybsantaa saddex , midi waxa weeyi xirfad dhaqan, midna waa xirfada aad uleedahay shaqada gaarka ah iyo ta sadexaad oo ah xirfada kaa caawinaysa wax kasta” ayuu yidhi aqoonyahayn Maxamed.

Aqoonyahanka ayaa ku dheeraaday sharaxaada xirfada iyo tacliinta isagoo sheegay in akhlaaqada shaqadu inagu yar tahay oo dadkeenu saacaday doonaan shaqeeyaan.

 

 

 

Ugu dambayntii aqoonyahanka ayaa ka jawaabay su’aalo ay waydiiyeen ardaydii dhagaysanaysay barnaamijka ardaydana kula dardaarmay inay ogaadaan inay waxa ay barteen oo keliya aanay ku shaqayndoonin, ee laga yaabo inay shaqooyin kale oo ka baxsan waxay barteen ay ku shaqo tagi karaan, sidoo kale waxa uu ardayda kula dardaarmay inay xidhiidh lasameeyaan dadka kala duwan, si ay u fududaato xidhiidhka dadka ay la leeyihiin

Gaba gabadiina waxa soo xidhay barnaamijka Axmed Naasir oo sheegay in kulamada  aqoon iswaydaarsigu ay mihiim uyihiin ardayda , waxaanu ardayda   xasuusiyay inayna arsaaqda iyo isku xidhnayn wax barashadu, oo dad aan waxba baran uu ilaahay siiyay arsaaq fiican laakiin wax barashu qof ahaan ayay dhistaa ayuu yidhi.

 

 

Aakhrikiina ardaydii ka soo qayb gashay barnaamijka ayaa su’aalo waydiisay aqoonyahan Maxamed Bile iyo masuuliyiintii Ururka Somatalis kuwaas oo uga jawaabay ardayda Jaamacada Admas ayaa soo casuunta aqoonyahanada iyo dadka cilmiga leh ee ardayda Jaamacada dhigataa ay ka faa’iidi karaan aqoon.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here