Anna wey i kan W/Q: Daariq Mohamed Muse

0
291

Khalqiga faraha badan ee uu Ilahey arlada ku unkay ayuu ka mid yahay Aadmigu, Iyadoo sidaasa ayuu hadana Alle (SW) aadmiga nimco aan ta abuurka uun ahayne balse dheraad ah, ku qurux yeelay basharka oo uu siiyey nimco kale oo uu caqligu ka mid yahay, si u uugu fikiro basharku caqliga oo uu saxa iyo qaladka u kale garto (Basharku).

Hadiyadaha Rabbi (SW) ugu deeqay Ibnu Aadmaka intaa kuma aysan dhamaanin balse wuxuu hadana Alle (SW) Basharkii ku galadey karaamo u gaar ahaatey(Aadmiga), Nimcooyinkaa faraha badani maaha mid loo hibeeyey uun Aadmiga, balse waxuu Rabbi (SW) sidaa u yeelay si ay Aadamuhu u gartaan sababta ka dambeysa ee ifka loogu abuurey iyo inay aqoonsadaan Khaaliqii abuurey oo ah Alle (SW), dabadeed ay aqoonsi kedib isaga xusaan oo caabudaan.

Aadmiga Ilahey abuurey maaha kuwo summad qudha wadaaga, habdhaqan keliyana ay wada leh, balse Alle subaxaanna wuu kale duway, waxaa laga yeelay kuwa aan isu si u fikirin, isu si u dhaqmin, middab qudha aan ka abuurneyn, balse waa kuwo la kale duway, qofba qofka kale ka duwan yahay, fardi kastaa hibo gaara ayaa loo yeelay, waa kuwo middabo kala gedisan alle uu u yeelay, waa kuwo aan awood la simin, waa kuwo aan dabaceed isaga mid ahayn, waa kuwo aan qurux iyo qaab ba aan laysaga mid yeelin, waa khalqi aan jiif iyo joog ka sineyn, Aadmiga qaarbaa shaqsiyada habdhaqankoodu wanaagsanaatey halka qaar ay ka xun tahay. Iyagey (Aadamaha) ka mid yihiin qaar ku fikira caqligaas, gartana sababtaa loo abuurey ee aynu kor kusoo sheegnay, iyagey ka mid yihiin qaar Rabbigood (SW) caabudaa markastana xusaya oo xasuusan, Iyagey ka mid yihiin qaar samaan ooga, iyagey ka mid yihiin qaar xumaan ka shaqeeya, dadbaa ahaadey qaar gardaran oo Rabbigood (SW) ka kufriyey hadana caasiyey oo cadhadiisa ku loogan, Aadmiga ayey qaar xawayaanka iyo khalqiga kale ee la midka ah ay badhkood, maya haan idhaahdo badankoodu ahaadeen, sababtoyna wax ku garan garaadkii loo hibeeyey ee lagaga duway abuurka kale ee uu Alle (SW) abuurey.

Inkasta oo aynu tilmaamney inuu badankii Aadmigu yahay mid aan wax ku ogaan kuna garan agabkii loogu talo galey inuu wax ku garto ee ahaa caqliga, lana mid noqdey xawayaanka iyo abuurka kale ee aan nasiib u yeelan nimcooyinka uu basharku gaarka u yeeshay, hadana intii soo hadhey ee iyadu is bidey garaad waxaad modaa iyaga laftoodu inay ku kulmeen meel aan laga rabin amba loo baahneyn inay kulmiso, haba ku kulmaane madashaa kulmisey waa mid nooceeya? ma mid adduun iyo aakhiro ay wax ku helayaan baa? Ma xus alle iyo cibaadaa talow kulmisey oo waa wanaag ay korodhsadeen? Maya maaha intaaba, balse waa meel ay xaqa iyo marinka saxda ah ee nolasha kaga lumaan oo baadiyeyneysa, waa meel nafiyo maalba aayahooda dambe ku duuleysa iyo aakhiro, waa meel hanka iyo himilada ay ummadi lahaan lahayd doojineysa oo dabooleysa, waa madal kusoo urureysa inaynu ku timaamno, inay munaafaqad badan tahay, inay keliya tahay maaweelo iyo mijara habaabin Ummado badan oo Soomalidu ka mid yihiin, ay maanta iyo aayaanka mugdi kaga sugtey dawgii nolasha iyo tubta toosan ee liibaanta, waa been iyo shay lagu deedafeeyo dawga xaqa ah ee nolasha, waa astaanta hoga iyo dib u dhaca.

Waa aragti loo bixiyey siyaasad, kana kooban afar kelmadood oo jacbur ha, waa arrin kulmisey bulshadii yar iyo weyn, labaatan jir, afartan, ilaa da’aha u weyn ee sideedtan jir u weyn yahay, waa arrin lagu kala bixi laayahay oo sina dadkii u kala saari la, dadkiina ilowsiisey xilkii iyo xillihii nolasha ee uu Alle u abuurey, waa arrin kii Macalinka ahaa, Dharkhtarka ahaa, midkii Ganacsade ahaa, Ardeygii, iyo dhamaan qeybihii kala duwanaa ee ay Ummadii ka koobneyd kulmisey halka uu ninkastaa kusoo dhiiradey, iyadoo wax lagu jeclaado iyo manfac toona aan lahaanin balse ay tahay been ruuxa ka daboosha runta nolasha iyo inuu garto uu yaqiinsado marinka nolasha, Micno darideeda siyaasada iyo sidey Ummadoo dhani intay xillihii kalee nolasha usoo dayaceen, ugu soo dhiiradeen ee ninkastaa u idhi ana wey i kan.

Nolashu waxay ku quruxsantahay markey dadku, ruux kastaa uu xilkiisa iyo hankiisa u heelan yahay, waxay kusoo baxadaa waa nolashee markuu nin ba meel kasoo cadaado, markuu ka macalinka ahi keliya u hanweynyahay barbaarinta ardeyda uu cilmiga u gudbinayo kuna dadaalayoo keliya horumarkooda, markuuu kan dhakhtarkii kaalintiisa buuxinayo iyoo daaweynta iyo dabiibka dadka buka, markuu ardeygu waajibkiisa gudanayo ee uu ku hamiyayo inuu wax korodhsado iyo cilmi, markey nolashu sidaa iyo si ka badan u kala darajo leedahay ee dadku kala fikir iyo han duwan yihiin, ruux kastaana uu kaalintiisa iyo dhacanta nolasha kaga soo beegantay buuxinayo, ayey nolashu micno sameysaa.

W/Q: Daariq Mohamed Muse

Email: Tariq.dualle@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here