”Anagu Doorashada Waqtiga Loo Qorsheeyay Diyaar Baanu Unahay….” Wasiir Xirsi

0
149

Hargeysa(SDN)Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in dib u dhaca doorashadda aanay masuul ka ahayn. Isla markaana wuxuu sheegay in dib u dhaca doorashadu tahay xeerarkii iyo shuruucdii oo aan diyaarsanayn.

 

 

Wasiir Xirsi wuxuu sidaa ku sheegay mar uu shalay ka qayb qaatay baraamij-ka wicitaanka dhegata ee idaacadda VOA-da.

 

 

Wasiirku sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisu qabtay doorashadii ugu adkayd ee ka dhex dhacda xisbiga Kulmiye, wasiirka oo ugu horreyn ka hadlay dib u dhaca doorashooyinka wuxuu yidhi “Anigu dawlad ahaan waxaanu qabanay wax alle iyo wixii doorasho  looga baahan, balse dib u dhaca doorashada masuul kama nihin oo doorashada dib u dhacday waxay ugu dhacday in aanay diyaarsanayn xeerarkii iyo shuruucdii, sidoo kalena uu soo guda-galay waqtigu iyadoo la samayn diiwaangelintii oo muhiim iyo aasaasi ahayd. Marka  sidaa darteed waxay ka soo baxday cidii gacanta ku haysay oo ah komishanka doorashooyinka oo yidhi kan iyo kii ka horreeyay waqtigu kuma filaa, waqtigiina ay caddeeyeen in aanay filnayn, haddii aanay ku filaynaa waxay ka baxda awooda oo cid walba way ka baxda, waxayna gacanta u gasha awooda guurtida oo leh in waqtiga halkii geeyaan ay doorasho ku qabsoomi karto, marka anigu doorashada waqtiga loo qorsheeyay  diyaar baanu u nahay”Ayuu yidhi Wasiir Xirsi

 

 

Wasiirku sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisu qabtay doorashadii ugu adkayd ee ka dhex dhacda xisbiga Kulmiye “Doorasho dalka laga qabto waxa ugu adkayd tuu Madaxweynuhu badka soo dhigay Xisbigiisa oo uu yidhi Ila Tartama,oo aanu cid walba jaanis u ogolaanno  inuu tartamo oo uu hankiisa muujiyo. Taasaa ku caddaynaysa inuu madaxweynuhu ku talogalay inuu doorasho qabto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here