Amarkii Qabiilaysnaa Ee Uu Wasiirka Madaxtooyadu Ku Xayiray Suradnews + Sidii Loo Xayiray Suradnews

0
240

Hargeysa(SDN)Dhacdadii Foosha Xumayd ee lagu xayiray Mareegta Suradnews.com iyo sababihii bud-dhiga u noqday cadaalad darada oo aanu halkan idiinku soo gudbin doono kaasi oo tilmaan cad u noqon doona sida loo marin habaabiyey awoodii looguna tumanayo shaadhkii dawladnimada.

Image result for wasiir maxamuud xaashi

 

12/07/2017 Ayaa La xayiray shan mareeg(Website) oo ay ku jirto shabakada Suradnews.com taasi oo lagu soo eedeey in ay baahinaysay fidinaysana warar been abuur ah oo lidi ku ah madaxda iyo beelaha wada daga wadanka, 15/07/2017 Ayaa maxkamada si rasmi ah u tagay taasi oo uu igu helinayey Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamud Cabdi Jamac(Xuuto) waxaanu la kulanay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaciil oo si wanaagsan noo soo dhaweeyey Soo dhawan kadib waxa uu noo sheegay in uu no ohayo Dhukumanti ay soo gudbiyeen xarunta danbi baadhista C.I.D uuna ka dalban doono in ay na hor keenaan naguna cadeeyaan danbigaasi.

 

 

17/08/2017 Maalin Isniin ah ayaanu xafiiskiisa mar labaad dib ugu kalanay Gudoomiye Axmed Dalmar kaasi oo aanu ka rabno in ay na tusaan wixii nalagu soo eedeeyey waxaanu noo sheegay in aanay wali wax cadaymo ah danbi baadhistu u soo gudbin, waxaanu u tagnay xafiiska xeer ilaalinta gobolka hargeysa kaasi oo isna noo sheegay in ay arintu ku xidhan tahay in ay soo gudbiyaan Xarunta danbi baadhista ee C.I.D da.

 

 

14/08/2017 Maalin Isniin ah ayaa waxa Maxkamada Gobolka hargeysa noogu imid masuul ka socoda xarunta Danbi Baadhista ee C.I.D kaasi oo iga qoray qoraal ku saabsan mareegta Suradnews lahaanshaheeda iyo waliba in aanu qornay warar lidi ku ah qaranka Somaliland.

 

Warar xogogaal ah oo aanu maalintaasi helnay ayaa ahaa in go’aanka lagu xayiray mareegahan ay ka imadeen xarunta madaxtooyada Somaliland kaasi oo ka soo baxay xafiiska wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu maslaxaad uga dhigayo warar ay warbaahinta la xayiray ay ka qoreen qoyska madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Wiilka uu sodoga u yahay Madaxwaynuhu kaasi oo ay ka soo cawdeen kuna tilmaameen in uu Maxamuud Xaashi xidhiidh dhaw leeyihiin qaar ka mid ah warbaahintaasi.

 

 

19/08/2017 Ayaa si rasmi ah loo sii daayey Mareegta Suradnews.com taasi oo maxkamadu amar ku soo saartay in xayiraada laga qaado mareegta Suradnews.com oo ay u wayday cadaymo ku filan taasi oo waxba lagu waayey waxaanay qortay qoraal ay ku amrayso shirkadaha bixiya adeega internetka in ay xayiraada ka qaadaan mareegtaasi.

 

Xayiraada la saaray shan website oo ka hawlgala Somaliland ayaa waxa ka danbeeyey xafiiska madaxtooyada Somaliland oo amarka lagu xayiray lahaa, mudo hal bil iyo dheeraad ah oo aan ku jirnay dacwada been abuurka ah ee nalagu soo eedeeyey ayaa waxay ahayd mid laga soo abaabulay xarunta qasriga Somaliland.

 

 

Qaar ka mid ah mareegihii la xayiray oo dhawaan la sii daayey ayaa ahaa kuwo ay isku beel yihiin wasiirka madaxtooyada Somaliland oo si sharci daro ah u siidaayey,markii horena xayiray kaasi oo ku tilmaamay in uu ku qancinayey murashaxa xisbiga kulmiye oo dalab uga imid sii daynta mid ka mid ah mareegahaasi, Shabakada Suradnews oo ka mid ah mareegaha dhex-dhexaadka ah ee ka jira Somaliland ayaa lagu tilmaama mid si qoto dheer u qorta dhexdhexaadnimo.

 

Amarkii Xayiraada iyo sii daynta ahaa ee uu sameeyey wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa ah mid beelaysan oo uu kula kacay shantan mareegood ee ka hawl gala Somaliland kaasi oo si aan cadaalad ahayn u adeegsaday sunihii dawladnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here