Amaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo si weyn loo adkeeyay

0
116

Amaanka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay tan iyo waxii ka dambeeyay markii uu dhacay qaraxii Diyaarada Daallo Airline ee kaduushay garoonka.

Garoonka waxaa ka howlgalaya ciidamo gaar ah oo xaqiijinaya amaanka dadka garoonka ka dhoofaya iyo kuwa kasoo dagaya, waxaa sidoo kale baaritaanada ka qeyb qaadanaya Eeyo si gaar ah loo baray urinta waxyaabaha qarxa.

 
Dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si gaar ah waxaa loo baarayaa boorsooyinka ay wataan , iyadoon ala hubinayo in boorsooyinkaasi aan lagu qarin waxyaabaha qarxa iyo waxyabao kale oo amaanka lidi ku ah.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here