Al-Shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Xabsiga weyn ee Magaalada Baladweyn

0
163

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe waxa ay weerar ku qaadeen Xabsiga dhaxe ee Magaalada Baladweyn, halkaas ay ku xiran yihin maxaabiis badan oo qaarkood la tuhmayo in Al-Shabaab yihiin.

Dagaal ayaa xabsiga ku dhax maray Dagaalyahanadii weerarka kusoo qaaday iyo Ciidamada ilaalada xabsigaasi, dagaalka ayaana la sheegay in uu socday daqiiqado badan, waxaana markii dambe halkaasi isaga tagay dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Ciidamo katirsan Dowlada iyo AMISSOM ayaa u gurmaday ciidamada ilaalada ka ahaa Xabsigaasi, waxa uuna sargaal katirsan Ciidanka Dowlada sheegay in ay eryadeen dagaalyahanadii xabsiga soo weerartay ayna rag ka dileen.

Weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Xabsiga Magaalada Baladweyn ayaa imaanaya xili Gobolka Hiiraan uu kasocdo howlgalo ka dhan ah Dagaalyahanada Al-Shabaab, waxa ayna Cidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM dhawaan Al-Shabaab ka saareen deegaano hoostaga Magaalada Baladweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here