Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Ciidamo Nuuc Cusub Ah Ay Sameesteen

0
155

Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhgtay ciidamo cusub oo ay ka aasaastay degaanada ay ka joogaan gobolada Jubooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Ciidankan ayaan wadan wax hub ah balse waxay qaataan dareys u gaar ah iyo gaadiid magacooda lagu qoray oo ay ku howlgalaan.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa qortay in ciidamadan laga howlgeliyey markii ugu horeysay degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe, waxayna intaa ku dareen in ciidamadan ay yihiin kuwo Xisbo ah oo ku shaqeynaya nidaam ka duwan kuwii hore.

 

Ciidankan ayaa la sheegay in loogu talo galay inay dadka wanaaga faraan xumahana ka reebaan, xumaanta ay arkaana suuliyaan, gaar ahaan qaladaadka yar yar ee ay samaynayaan dadka suuqyada ku sugan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidankan ay kontrolayaan tayada cuntada suuqa taalla iyo daawooyinka iyo dharka iyo dhammaan badeecadahada suuqyada lagu iibinayo, waxay wataan qalab ay ka mid yihiin weelka wax lagu cabiro, miisaan iyo cabirka dharka intaba, waxaana la sheegayaa haddii ay arkaan qof nusqaaminaya miisaanka ama cabirka iney shaqo ka qabanayaan.













LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here