Al-Shabaab Oo Khaarajisay Lix Qof Oo Ganacsato Ah, 11 Gaadhi-Na Gubay

0
688

Beledweyne(SDN)Warar ka imanaya Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Kooxda Al-shabaab ay toogasho ku dileen Lix ruux oo ganacsatado ah iyaga oo dhinaca kalena gubay 11 gaadiid xamuul ah oo ka anbabaxay magalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Xudur ee gobolka Bakool.

 

Gaadiidkan oo markii hore ka anbabaxay Magaalada Beledweyne iyaga oo ganacsi kala duwan geeyay degmada Xudur, hase ahaatee markii ay dib uga soo laabteen xoogagga ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen weerar dhabo-gal ah xili ay marayeen inta u dhaxeysa Xudur iyo deegaanka Qudhac Joome.

 

Labo ka mid ah gaadiidka waddada loo galay ayaa iyaga oo bad-qaba soo gaadhay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halka 11 kale oo ay wada socdeen dab qabadsiiyeen Al-shabaab.

 

Lixda ruux ee la dilay marka laga soo tago dadkii kala ee la socday gaadiidkan xamuulka ah ayaa la sheegay in u firxadeen dhulka howdka ah ee ka agdhaw halka uu weerarku ka dhacay.

 

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa cambaareeyay falkan, iyaga oo sheegay in Al-shabaab ay bartilmaameedsadeen dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here