Al-Shabaab oo ka hadashay Warka sheegaya in Duqeyn lagu dilay Mahad Karatey

0
235

Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay War maanta kasoo baxay Dowlada Kenya oo sheegayay in Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Jubada Dhaxe lagu dilay Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab Mahad Mohammed Karatey iyo Saraakiil kale.

Afhayeenka Al-Shabaab ee dhinaca Howlgalada Abuu Muscab oo la hadlay Idaacada Al-Andulus ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay Milatariga Kenya oo ku aadan in Duqeyn Diyaaradeed lagu dilay Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab.

 
Abuu Muscab ayaa sheegay in aysan jirin Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo lagu beegsaday ama lagu dilay duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Dowladda Kenya, waxa uuna warka kasoo baxay Kenya ku tilmaamay mid la been abuuray.

”Warka kasoo baxay Dowlada Kenya waa wax kama jiraan , ma jiraan duqeymo lagu dilay Hogaamiyaal ama xubno kale oo katirsan Al-Shabaab, warkan waxa ay ku doonayaan in ay ugu laab qaboojiyaan dadka kenya u dhashay oo wali ka murugeesan askartii looga laayay” Ceel Cadde Ayuu Yiri Abuu Muscab

War manata kasoo baxay Milatariga Dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Duqeyn ka dhacday Xero milatari ay lahaayeen Al-Shabaab lagu dilay Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab Mahad Karateey iyo saraakiil kale oo kooxdaasi katirsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here