Al-Shabaab oo degmada Jilib ku toogatay nin ajnabi ah oo kooxdaas ka tirsanaa

0
173

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe nin u dhashay dalka Tanzania oo ka tirsanaa dagaalyahanada kooxdaas.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cisa James ayaa waxay Al shabaab ku eedeeysay inuu ahaa nin basaas ah oo u sirta kooxdaas u gudbinayey sirdoonka Maraykanka iyo Rwanda.

Cajalad maqal iyo muuqaal ah oo kooxdu ku baahisay baraha internetka qaarkood ayaa waxaa ka soo muuqanaya ninkan oo qiranaya inuu lacag gaareysa $4000 kun oo dollar qaatay si uu basaaso saraakiisha Al-Shabaab ee Maraykanku doon doonayaan.

 

Dadweyne fara badan oo Al-shabaab ay isugu yeertay ayaa soo buuxiyey fagaaraha lagu toogtay ninkan oo ku yaalla degmada Jilib oo hadda ah fariisinka ugu weyn kooxda Al-shabaab ee koonfurta Somalia.

Al-shabaab ayaa horey sidan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay rag isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ka barbar dagalameysay kooxdaas, kuwaasoo lagu eedeeyey iney u basaasayeen sirdoonka dowlada Somalia iyo kuwa reer gabeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here