Akhri Qoraalka Khudbaddi Gudomiye Ciro Oo Dhamaystiran + Sawiro

0
174

Bismilaahi raxmaani raxiim, wa salalaahu calayhi wa salam.
Salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu.
Waxaan mahad naq balaadhan u jeedinayaa dhamaan ka soo qayb galayaasha madasha, waad mahadasan tihiin .
Maanta hadalkan waxa keenay marxaladda adag ee dalku marayo waxayna ugu horeeyso hadalo iyo bayaano is daba joog noqon doonaa oo Xisbiga WADDANI ka soo jeedin doono xaaladda Guud ee siyaasiyasadeed, nabadgelyo iyo bulsho.

IMG_6414_Fotor
Mudanyaal iyo marwooyin

Maanta, Somaliland waxay maraysaa marxalad adag oo kala guur ah. Waxa la soo gudboonaadey duruufo badan oo kala duwan, kuwaas oo gudo iyo debedba leh.
Duruufahhasi waxay dhammaantood ka dhasheen siyaasadda Xukuumadda maanta
talada haysa. Dhawr qodob baan is dul taagi doonaa.

I. Arrimaha doorashada iyo geedi socodka Dimquraadiyadda Somaliland
Waxa doorashadii madaxtooyada ee JSL la qabtay 26 June 2010. Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xilka la wareegay 27th July 2010. Muddo xileedka Madaxweynuhu waa shan (5) sano sida ku cad qod. 88 aad Faq 1aad.
Doorashadii Golaha Wakiilada JSL waxay qabsoontay 29th September 2005. Muddo xileedka Golaha Wakiiladu waa shan sano sida ku cad qod 42aad Faq 1aad. Waxay doorashada Golaha Wakiiladu ku beegnayd 29 September 2010. Dalku lixdan cisho doorashada Madaxtooyada ka dib doorasho kale ma geli karayn. Xukuumad iyo Guddi doorashi midna ma diyaarin doorashada Golaha Wakiilada.
Golaha Wakiilada JSL waxa uu go,aan gole ku soo saaray in mar la wada qabto doorashada Madaxtooyada iyo ta golaha Wakiilada. Madaxweynaha JSL Somaliland waxa uu dikreeto Madaxweyne ku waafaqay go,aanka Golaha. Taas darteed, doorashada Golaha iyo ta madaxtooyada isku waqti bay dhacaayaan.

IMG_6103_Fotor
Markaan eegno waqtigii doorashada madaxtooyada la qabtay, go,aanka golaha wakiilada iyo digreetada Madaxweyanaha xiliga doorashada madaxtooyada iyo golaha Wakiilada waa 26 June 2015.
Maanta xiligii doorashada waxa ka hadhsan 128 maalmood.
Golaha Wakiiladu haddii uu cudur lahaa 2010, maanta ma leh, xukkumaduna maanta ma leh oo shano ayey haystay in doorasho ku diyaariso oo qabato.
Madaxweynuhu bishii Jannaayo 30keedii 2013kii, wuxu uga ballan-qaaday shacabka Somaliland iyo caalamkaba, isaga oo ka hadlaya Baarlamanka hortiisa, inay doorashooyinku ku qabsoomi-doonaan xilligii sharcigu cayimay. Waxa ballanqaadkiisu ahaa ‘, in aan maalin loogu dari doonin xilligiisa,’.
Mar labaadna, bishii Jan. 27keedii, 2015, Madaxweynuhu wuxu ku dhawaaqay inay doorashadu ku dhici doonto xilligeeddii. Xisbiga WADDANI aad u soo dhaweynayaa hadalka madaxweynaha. Has yeeshee, tiraabta madaxweynaha ficil lama socdo. Diyaarinta doorasho xukuumadda kama muuqato.

 

Madaxweynuhu Axsaabta mucaaradka wuu la kaftamay, waxa uu yidhi doorasho diyaar uma aha wayna yara baqayaan. Waxaan Madaxweynaha u Cadeynayaa inaan annigu doorasho diyaar u ahay. Waxaan kale oo u cadeynayaa, in Xisbiga WADDANI doorasho diyaar u yahay. Su,aal goormaad Madaxweyne doorashooyinkii qabanaysaa?

IMG_6402_Fotor
Wasiiro xukumadda ka tirsan , mudayanaaal xukuumadda taagera oo ka tirsan Wakiilada iyo Guurtida ayaa mugdi geliya hadalka madaxweynaha ee wanaagsan sheegana in xukuumadda loo kordhinayo.
Ilaahay mahadii maanta dalkeenna kama jirto durufaha dastuuriga ah ee baajin kara qabsoomidda doorashooyinka ee ku xusan qod. 42aad iyo 83aad ee Dastuurka kuwaas oo ah: haddii ay dalka ka jiraan“dagaallo baahsan, xasilloni-darro gudaha ah, aafo dabeeci ah oo culus sida dhulgariir, cudurrada faafa iyo abaaro culus;” Ilaahay ha inaga hayo ee midna dalkeenna kama jirto.

 

IMG_6287_Fotor
Doorashu waxay u baaqan kartaa oo keliya xil gudasho la,aanta xukuumadda taas oo ku sifoobi doontaa ”Ku-xadgudub Dastuur” Sida ku cad Qodobka 96aad Farqaddiisa 1aad.

 

Diyaar garowga doorashooyinka waxa daneeyayaasha doorashadu oo ay ugu muhiuumsan yihiin axsaabta qaranka iyo Guddida doorashooyinka qaranku bilaabeen march 2013.

 

 

Waxa iyana qayb ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Bishii June 2013 waxa dhamaan daneeyayaashu wada saxeexeen warqad lagu mideysan yahay loona diray deeq bixiyeyaasha taas oo sida cad loogu qeexay in diiwaan gelinta madaniga iyo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha la is dhinac wadayo kalana madax banaan yijiim ( Dual Track). Masuuliyadda diiwaan gelinta madaniga ah waxa la siiyey Wasaaradda Daakhiliga, masuuliyadda diiwaangelinta codbieyeyaashana Guddida doorashooyinka qaranka (GDQ). Madaxweynuhuna waxa uu warqad uu ku taageray kala madax banaanaanta labada diiwaangelinood iyo inuu doorashada qabanayo waxa uu diray bulshada caalamka November 2013.
Hase yeeshee, waxa yar ka dib waxa soo baxay oo muuqday siyaasadda doorasho diidka ah ee xukuumadda. Waxaan ku soo koobayaa qodobadan:

 

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha lama qabankaro ilaa ay dhamaato diiwangelinta madaniga ahi taas oo meesha ka saartay kala madax banaanida labada diiwaan gelinood. Arrintaasi waxay jiho wareer gelisay deeq bixiyeyaasha, axsaabta mucaaridka iyo shacbiga.
Diiwaan gelintamadaniga waxa loogu talo galay 4-6 sanadood. Diiwaangelinta Codbiyeyaashana waxa loogu talo galay inay dhawr bilood socota.

 

Qofkaaan qaadan kaadhka aqoonsiga in aan loo diiwaan-gelin cod-bixiye. Waxa xeerku waajibyey in la sameeyo diiwaan gelinta codbixyaha, codeyntuna waa xaq dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadinku.

 

Iyo in doorashada la qabto lix bilood kadib maalinta la soo saaro liiska codbixiyeyaashu soo baxo. Waxa waqtiga doorashada lagu kordhiyey waqtiga aan wax hawl ah la qabanayn ( Idle).

 

In kaabistii iyo wax ka bedelkii xeerka diiwaangelinta lagu daray xeerka diiwaangelinta madaniga oon hore u jirin taas oo ah qorshaha jiidista waqtiga doorashada iyo abuurid muran sharci aan loo baahnayn.
Magacaabistii, soo gudbintii iyo Dhaarintii Guddida Doorashooyinka ee cusub oo ay xukuumaddu ku limisay waqti aad u dheer.

 

Markaad eegto arrimahan, waxa bulshada reer Somaliland si cad ugu muuqda in aan dib-udhaca doorashooyinku ku iman dhibaato iyo masiibo dalka la soo deristey awgeed, sida colaado, nabadgelyo-darro, abaaro, iyo aafooyin dabiici ah midna, balse ay ku timid dedaal dawladdu u gashay inaan doorashadu xilligeedii ku dhicin. Arrinta biyo dhaceeduna wuxuu yahay in “kordhin” inay hesho, iyo laga duudsiyo dadka xaqqooda doorashada.
Diyaarinta iyo qabashada doorashooyinku waa xilka xukuumadda, gaar ahaan Madaxweynaha. Xukuumaddu kumay tali gelin inay doorasho qabato, haddii ay ku talo gashay inay qabato way qaban lahayd. Muddo xileed dhan shan sano ayey haysatay.
Waxa la yidhaa geel jiraha geela xalaashiisa iyo xaaraantiisu waa isugu mid. Heesahooda waxa ka mid ah hadduu xero galo xoog iyo xalaal midna kuma xuma.
Malaha xukuuumadu waxay leedahay ku sii fadhiga kursiga xalaal iyo xaraan midna kuma xuma. Miyey maangal noqon kartaa in ninkii is-hor-taagey doorashada in loogu abaal-gudo muddo kordhin? Waa siduu Kulmiye odhan jiray markuu mucaaridka ahaa.
Dib-u- dhigidda doorashooyinka oo aan sabab lahayni waxay ku sifoobeysaa Dastuur Jabin iyo Xilgudasho La’aan.
1. Maxaa ka dhalan kara doorshooyinka oo dib uga dhaca wakhtigoodii dastooriga ahaa, iyo kordhin aan duruuf dasturiya ku iman?
(a) Dib-u-dhaca doorashooyinku waxay abuuri kartaa khilaaf iyo khalkhal siyaasadeed oo hor leh, xasilooni darro, nabadgelyo xumo iyo niyad-jabka dadweynaha u diyaar garoobay isbeddel nabadeed.
(b) Waxay dhaawc ku keeni kartaa midnimada iyo wada-jirka bulshada Somaliland, iyada oo dhaawacyo hore ay soo gaadheen intii xukuumaddani jirtey.

 

 

(c) Waxay tuhun iyo madmadow ka gelin kartaa beesha caalamka sii waadista hanaanka geeddi-socodka dimuqraaddiyadda iyo nabadgelyada Somaliland.
(d) Dib-u- dhaca doorashooyinku waxay foodda la geli garta qorshayaasha iyo doorashooyinka ka dhacaya Somaliya 2016ka, haddii ay ku dhici weydoo 2015ka gudihiisa.

 

 

GUNAANAD
Mowqifka Xisbiga Waddani ka leeyahay doorashooyinka iyo dib-u dhac ku yimaadda:
1. Xisbiga Waddani waa daneeye muhiim ah oo u taagan in la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah oo xilligeeda dastuuriga ah ku dhacda

 

 

2. Xisbiga WADDANI wuxu ku guubaabinayaa daneeyayaasha doorashada in aan marnaba laga leexin yoolkoodii ah in dorashayoonkii in ay xilligoodii dastuuriga ahaa ku qabsoomaan. Waxa kale oo uu Xisbiga WADDANI ku boorrinayaa daneeyayaasha doorashooyinka in Madaxweynaha lagala xisaabtamo wixii di-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka
3. Xisbiga Waddani wuxuu qabaa in dib-udhac kastaoo ku yimaadda doorashooyinku 26-ka June 2015 aanu ahayn mid farsamo, balse uu yahay mid siyaasadeed oo ula kac ahaa iyo istaraatijiyadda Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.
4. Xisbiga WADDANI wuxu ugu baaqayaa shacbiga Somaliland in ay is–hor-taagaan tallaabo kasta lagu hollinayo in lagu duudsiyo xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah in ay madaxdooda iyo baarlamaanka ku beddelaan sanduuqa cod-bixinta oo aan loogu beddelin muddo-kordhin cid aan xaq u lahayni samaysay.
5. Xisbiga WADDANI wuxu uga baaqayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka in si degdeg ah u soo saaraan Jadwalka Doorashada (Roadmap) oo ay dadweynuhu aad iyo aad u sugayaan. Xisbiga WADDANI waxa uu kalsooni buuxda siiyey Komishanka isaga oo eegayaa doorka muhiimka ee ku leeyihiin qabashada doorashada.
6. Xisbiga WADDANI wuxu si adag ugu baaqayaa in uu Golaha Guurtidu ka waantoobo muddo-kordhin aan dastuuri ahayn oo lagu asturayo Xukuumad iyo Madaxweyne xilalkoodii dastuuriga gabay oo qaban waayay doorasho xilligeedii taagan yahay.
7. Xisbiga WADDANI wuxu ku bogaadinayaa isla markaana uga mahad-naqayaa bulshada caalamka taageerada wax-ku-oolka ah ee daarran: a) In ay si joogto ah ula jaan-qaadayeen Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha iyo doorashooyinka Somaliland, b) In ay ku deeqaan qaybta badan ee dhaqaalaha ku baxaya diiwaan gelinta codbiyaha iyo doorashada, c) Taageerada joogtada ah ee farsamo ee Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo geedisocodka dimuqraadiyadda

 

 

8. Xisbiga WADDANI wuxu ugu baaqayaa bulshada caalamka in ay shacbiga Somaliland ku taageeraan in cid kasta oo doorashooyinka carqaladeeya loo aqoonsado fidmo-wale (spoiler). Qodobkani wuxu si toos ah u saamaynayaa: Xisbiyada Qaranka, Xukuumadda, Madaxtooyada iyo Golayaasha Xeer-dejinta.
9. Haddii ay Xukuumadda iyo Madaxtooyadu si badheedh ah isu hortaagaan in ay doorashooyinka xilliggoodii dastuuriga ahaa ku qabsoomaan lana helin xal qaranku ku heshiis yahay , Xisbiga WADDANI wuxuu soo jeedinayaa in xukuumadda iyo Golaha Wakiilada la kala diro, lana dhiso Xukuumad xilkeedu yahay in ay doorasho xor ah oo xalaal ah dalka gaadhsiiso waqtiga ugu gaaban ee suurtogalka ah,
Arrimaha Kale
Wadahadalada Somalia iyo Somaliland
Waxa aad dhammaantiin ka wada war-qabtaan in wada-hadalladii Somaliland iyo Somalia talo qaran lagu wada qaatay hase yeeshee xukuumadu markii dembi axsaabta mucaaradka ka saartay kuna keliyeysatay noqdeen kuwo madhaleys ah, sidaa darteed, Xisbiga WADDANI uu xukuumadda u soo jeedinayaa in la hakiyo inta doorashooyinku ka dhamaanayaan.

 

TABASHADA GOBOLLADA BARIGA IYO GALBEEDKA.

 

 

Malaha waxa la soo gaadhay maalintii uu ka digay abwaan Gaariya Maalin baa iman doonta dadka Awdal iyo Soo ee aad hagrateen…. aan ..siraad… doono. Maadaama xukuumadda waqtigeedu gaabsi yahay waxaan xalka u aragnaa in doorasho xor oo xalaal ah la qabto loona helo xukuumadda tabashooyinkaas wax ka qabata.
Dardaarankii Madawweyne Daahir Riyaale wuxuu ahaa waxaan kugu wareejiyey dal iyo dad mideysan. WADDANI waxa u qorshe ah in la dhiso dal iyo dad mideysan.

 

 

Hantida Qaranka iyo Khayraadka Dabiiciga ah
Afar iyo labaatan sano ka dib waxaan iibinay warshadii laydhka ee Hargeysa, Warshadii Laydhka ee Berbera, hantidii ma guurtada ahayd ee ummaddda dhaxalka u ahayd. Maantana waa Dekedii Berbera. Halkan qaranka dalooshantay ee aan buuxinaynaa waa halkee misaaniyadiina way korodhaye? Waxaan uga digeynaa inaan cidina hanti qaranku leeyahay si aan sharciga waafqsanayn ku qaadato ama ku mulkido.
Waa hubaal dalkeenna nimcaa fadhida. Khayraadka dabciiga ee duugan dalkeenna qaranka iyo umaadda ayaa wada leh.Ilaahay baa ku manaystay. Ama oodweyne ha laga helo, ama saraar ha laga helo, ama Berbera ha laga helo ama Sidoodi ha laga ama Sool ha laga helo. Siyaaddda Xisbigu waa inaan samysano xeerarka aan ku maamuleyno khayraadka ka hor inta aynaan soo saarin si cadaalad iyo sinaan ahna loo maamulo.
Maamul wanaaga
Siyaasadda Xisibiga waxa tiir dhexaad u ah dawlad wanaag, maamul wanaag, la dagaalanka musuqmaasaqa, cidhib tirka eexda iyo qaraabo kiilka.
Dhallinyarada
Dhallinyarada waa cududeenna iyo caqligeenni. Waxa la soo dersay dhibaatooyin ugu weyn tahay shaqo la,aan iyo rajo beel. Waxbarashadii oo lacag noqotay.
Xaaladaas quusta ah ee dhallinyarada waa in lagu daweeyo wacyi gelin, xirafado abuuris iyo shaqo abuuris. Xalku waa inaanu noqon xadhigi iyo xabad keliya.
Arrimaha Bulshada
Bulshada Somaliland waxa ku dhacay burbur waxaana caado noqotay qabyaalad qaawan oo warbaahinta lala taagan yahay.
Siyaasadda WADDANI waa la dhiso bulsho lagu barbaariyo danta guud, iskaashi, qaranimo iyo cilmiga dawladnimada ( civic education).

 

Diyaar Garowga WADDANI ee doorashada
Xisibiga WADDANI si uu ugu diyaar garoobo doorashada, waxa uu dhamays tirayaa wixii qabyo ah ee looga baahan yahay doorashada ka hor:

1. Shirkii Heer Qaran ee garabka dhallinyarada waxa la qaban doonaa 15th March 2014

2. Shirkii Heer Qaran ee Garabka Haweenka waxa la qaban doonaa 29th March 2015

3. Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga waxa labadan shir ka dib.

4. Waxa kale oo la soo bandhigi doona barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga iyo manifeestadada doorashada.

Waxaan u mahad naqayaa mar kale ka soo qayb galayaasha iyo Guddidii si la yaabka leh u soo gaasintay madasha.

Allaa Mahad leh

WADDANI MEDIA
===============================================

IMG_6414_FotorIMG_6402_FotorIMG_6384_FotorIMG_6287_FotorIMG_6252_FotorIMG_6238_FotorIMG_6122_FotorIMG_6103_FotorIMG_6066_FotorIMG_5982_FotorIMG_5968_FotorIMG_5958_FotorIMG_5943_FotorIMG_5927_FotorIMG_5918_FotorIMG_5903_FotorIMG_5902_FotorIMG_5835_FotorIMG_5821_Fotor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here