Ajaaniibta kunool Koonfur Afrika ay ku jiraan Somaalida oo xaalku ku xun yahay

0
407

Magaalada Pretoria ee caasimada dalka Koonfur Afrika waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday rabshado xoogan oo u dhaxeeyay dadka u dhashay Koonfur AFrika iyo sidoo kale dadka soo galootiga ajaaniibta ah ee ku ganacsada qeybo kamid ah magaalada Pretoria.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dad careesan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay weeraro ka dhan ah dadka aan u dhalan dalkaasi ee ganacsiyada kala duwan ku leh deegaano katirsan Magaalada Pretoroa, waxa ayna dadkaasi dhibatao xoogan gaarsiiyeen dad soo galooti ah.

 

Rabshadaha ka socda magaalada Pretoria ayaa sababay in iyana is abaabulaan oo dagaalna kala hortagaan dadka weerarada wada dadka Ajaaniibta ah ee kunool magaladaasi, waxaana qeybo kamid ah magaalada ka taagan rabshado gacan ka hadal ah oo la isku adeegsanayo dhagxaan iyo baangado.

Ciidamada booliiska ayaa ku guul dareestay hakinta rabshada u dhaxeeya ajaaniibta iyo dadka u dhashay Koonfur Afrika, waxa ayna booliiska kahor taga rabshadahaasi u adeegsanaan sunta dadka ilmada ka keenta iyo rasaasta cinjirka ah.
Dadka u dhashay Koonfur Afrika ayaa boobay goobo ganacsi ay ajaaniib ku lahayaeen deegaano katirsan magaalada Pretoria, waxaa sidoo kale rabshadaha socda dhibaatooyin lagu gaarsiiyay dad ajaaniib ah ay ku jiraan Soomaali.

Cabsi xooga ayaa lasoo darisrtay dadka ajaaniibta ah ee ku jiraan Soomaalida kunool qeybo kamid ah dalka Koonfur Afrika, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadahan ay kusii faafaan magaalooyin hor leh oo katirsan dalkaasi.
Madaxweyne Zuma wuxuu cambaareeyay ficillada rabshadaha ah iyo kicinta ka dhanka ah dadka Afrikaanka ah ee ka shaqeysta dalkaasi, wuxuu sheegay in dad badan oo soo galooti ah ay u hogaansameen sharciga, gacanna ay ka geysteen koboca dhaqaalaha dalkaasi.

 

 










LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here