Ajaaniib Ay Sii Daayeen Koox Burcad Badeed Soomaali Ah Oo Gaadhay Dalka Kenya

0
168

Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi waxaa shalay laga dajiyay ajaaniib ay sii daayeen Koox burcad badeed Soomaali ah, kadib markii ay ka qaateen lacag badan oo madax fursaho ah.

Ajaaniibtan ay siidaayeen Burcad Badeeda oo gaarayy 26-nin ayaa kasoo kala jeeda Wadamada Indonesia, China, Philippines, Vietnam iyo Taiwan, waxaana diyaarad siday ay shalay ka degtay magaalada Nairobi.

 

Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta waxaa kusoo dhaweeyay safiirada wadamada ay kasoo jeedaan Ajaaniibtan la siidaayay iyo dad eheladooda ah, waxaana la filayaa in ay usii duulaan wadamadii ay ka yimaadeen si ay ula midoobaan eheladooda.

Ajaaniibtan ayaa shan sano kahor gacanta u galay kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana lagu heestay qeybo kamid ah gobolka Mudug, waxaana inta la heestay Ajaaniibtan sadex nin oo kamid ahaa la sheegay in ay u geeriyoodeen cuduro halka 26-kii harayna hada dib u heleen xuriyadooda.






 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here