Agaasimaha Cusub Ee Tacliinta Sare Ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay

0
625

Hargeysa(SDN)Agaasimaha cusub ee tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska Axmed Muuse Muruud ayaa maanta si rasmi ah xilkii uu u soo magacaabay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi kala wareegay Agaasimihii hore Mudane Dr Yuusuf Axmed Cali(Ardo) oo mudooyinkii u danbeeyey ahaa agaasimaha Tacliinta sare.

Ugu horayn waxa ka soo qayb galay Xafladaasi balaadhan ee ay labada masuul xilka kula kala wareegayeen Wasiir ku xigeenka wasaarada,Gudoomiyeyaasha Jaamacadaha Admas,New-Generation, Beder,Jaamacada Hargeysa iyo Jaamacada Camuud, Gudoomiyaha Komishanka Tacliinta sare,Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta Jaamacadaha oo ku dheeraaday sida wanaagsan ee uu ula soo shaqeeyey Agaasimihii Hore Dr Yuusuf Axmed Cali kaasi oo ay ku tilmaameen in uu yahay halyey ay mar wasaaradu heshay waxaanay ilahay uga baryeen in aqoontiisa,kartidiisa,waayo aragnimadiisa u barakeeyo siiyana wax khayr qaba kuwaasi oo soo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee Axmed Muuse Muruud.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Komishanka tacliinta sare Xuseen X Xasan Guuleed kaasi oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay si wada jir ah uga soo gudbeen Agaasimihii hore kaasi oo ku tilmaamay hogaamiye dhiiranaa oo kudayasho mudan waxaanu xusay in uu ahaa agaasime wax badan ka qabtay wasaarada iyo waxbrashada sare kaasi oo saboootiyey waxaanu soo dhaweeyey agaasimaha cusub ee tacaliinta sare.

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska Maxamed Faarax Xareed  oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in uu labada agaasime kal iyo laab uu ku soo dhawaynayo agaasimihii horena ku sabootinayo kaasi oo sheegay in wasaarada waxbarashadu ay tahay mid baaxadeeda leh oo u baahan hagayaal aqoonyahano ah si qarankani uga dhisnaado dhanka waxbarashada.

 

Agaasimihii hore ee Tacliinta sare Dr Yuusuf Axmed Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday in uu maanta ku faraxsan yahay in uu wareejiyo xil muhiimadiisa leh oo ah mid balaadhan oo qaranka ahmiyad balaadhan u leh kaasi oo sheegay in u manta wareejinayo mashaariic badan iyo hantidii ku bixi lahayd geesta kale waxa uu xusay in uu wax badan ka qabtay qaybaha kala duwan ee tacliinta sare kaasi oo sheegay in ay wali u baahan tahay wax qabad balaadhan oo aan kow iyo laba lagu xusi karin waxaanu ugu danbayntii si kal furan uga dalbday dhamaan shaqaala weynihii wasaarada in ay ahaadaan saaxiibo kal furan oo si wada jir ah u wada shaqeeya.

Agaasimaha cusub ee Axmed Muuse Muruud ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo sida wanaagsan ee loo qaabilay sheegayna in maanta uu shaqaalaha ka codsanayo wada shaqayn iyo duco.

Gebo gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbrashada iyo sayniska Cabdiqaadir Maxamuud Dhaga Wayne oo sheegay in agaasimihii hore ee wasaarada uu wax badan u soo qabtay wasaarada una rajeeyey khayr sheegayna in uu maanta ku faraxsan yahay in uu ka tagayo wax qabad balaadhan waxaanu soo dhaweeyey agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay kaasi oo xilka u kala wareejiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here