“Afkaaga Oo Aan Kaa Rogin Eed Aanad Qabin, Alla Goy Baa La Yidhaahdaa,” Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo

0
163

Hoggaanka, Guddida Fulinta, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo marti sharafta kale ee ka soo qayb gashay madashan, Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu.

madaxweyne

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Ugu horeyn, mahad oo dhani, waxaa iska leh Allaheenna weyn, ee inagu manaystay nimcooyinkiisa kala duwan, gaar ahaanna maanta inoo suurtogeliyey, in aynu nabad qab isugu nimaadno, munaasibadan Shirka 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

 

Mabaadii’da Siyaasadeed ee aan Aaminsanahay:

 

Tan iyo intii aan hanaqaaday, ama aan hami iyo han siyaasadeed yeeshay, waxaan aaminsanaa in dariiqa kaliya ee ay ummadi ku heli karto, haldoor iyo hoggaamiyayaal hufan, uu yahay nidaamka axsaabta badan ee doorashooyinka xorta ah ku yimaadda.

 

Waxaa xusid mudan, xilligii aan Wasiirka ka ahaa Dawladdii milateriga ahayd, waxaan ka mid ahaa xubnihii faro ku tiriska ahaa ee dhaliili jiray nidaamka keli-talis-nimada, iyo talo maroorsiga ku dhisan. Guure iyo galab caraw ka dib, markii aan garwaaqsaday in aanan ka midho dhalin karin mabda’an, dhinaca kalena uu sii kordhay tabaalihii iyo tacadigii bulshadii Soomaliyeed loo geysanayey, waxaan duurka u galay dareenkaa siyaasadeed ee laabtayda degay anigoo naftayda u fideeyey in aan ka qaybqaato halgankii isbeddel doonka. Ilaahay mahaddii, riyadaasi waxay noqotay mid rumoowday, raandhiisna yeelatay.

 

Waxaan rumaysanahay in aynu Qaran ahaan, xaqiijinay tiir ka mida tiirarka udub-dhaxaadka u ahaa, himilooyinkii halgankii isbaddel doonka, taas oo ah in hoggaanka ummaddani ku yimaado, tartan iyo doorasho xor ah.

 

Mahad waxaa leh Ilaahay inoo fududeeyey arrimahan, maamuusna waxaa leh mujaahidiintii iyo mudankii meel mariyey isbeddeladan xanuunka badan ee dhidibada u taagay horumarka, dib u dhiska dalka, dimuqraadiyadda iyo nidaamka doorashooyinka xorta ah.

 

Dib-u-milicsiga Kooban ee Taariikhda Kulmiye

 

Anigoo ka duulaya aragtidan kor aan ku soo sheegay, 23-ka May 2002-dii, waxaan aniga iyo xubno koobani abaabulnay, isla markaana aasaasnay xisbigan Kulmiye ee bahweynta bulshada Somaliland ku bahoobeen.

 

Kulmiye wuxuu ahaa, ururkii ugu da’ada yaraa, uguna danbeeyey toddobadii urur ee la diiwaan-galiyey, isla sannad-kaana wuxuu ku guulaystay kaalinta labaad ee tartankii doorashooyinkii Dawladaha Hoose, taas oo uu kaga mid noqday saddexdii xisbi Qaran ee ugu horeeyey ee sharci ahaan uu dalkeenu yeeshay kuwaas oo kala ahaa UDUB, KULMIYE iyo UCID.

 

Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay, midnimada iyo horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland, ujeeddadiisa ugu weyn, ee uu hiigsanayaa waxaa bartilmaameed u ah, dhismaha iyo dhidibo-u-taagidda Qaran diimuqraadi ah oo leh hannaan iyo haybad dawladnimo oo ay mahadiyaan muwaadiniintiisu.

 

Xisbiga Kulmiye, wuxuu u-xusul duuban-yahay xaqiijinta himilooyinka shacbiga Somaliland, taas oo ay xuddun u tahay meel marinta madaxbannaanida Qarannimadu. Waxaan ku kalsoon-ahay, in maalin ka mida maalmaha uu calankeenu ka dul baban doono xarunta Qaramada Midoobay iyo Qawmiyadaha kala duwan In sha ALLAH.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Xisbiga Kulmiye, oo ah maanta Xisbul Xaakim, wuxuu talada Dalkan ee uu hantay u soo maray jid dheer oo uu sahay uga soo dhigtay sabir, dulqaad, tanaasul, tudhaale, talo wadaag iyo tawfiiq. Siyaasaddaa suuban ee bisaylka badan lihi, waxay raadaysay bulshada Somaliland, waxaanay beerkooda u marisay burcad.

 

Tan iyo xilligii uu Dalkani cagta saaray dhabada dimuqraadiyadda, Xisbiga Kulmiye wuxuu kaalin mug leh, oo muuqata ku lahaa geedi socodkii doorashooyinka, wuxuuna ka soo qayb qaatay dhammaan doorashooyinkii dalka ka qabsoomay ee Dawladaha Hoose, Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Sida ay taariikhdu qirayso, Xisbiga Kulmiye wuxuu ka soo hooyey guulo wax ku ool ah oo u gogol xaadhay marxaladdan uu maanta Dawlad ku yahay.

 

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxaan jecelahay in aan halkan si niyad sami ah ugu mahad naqo, taageersayaashii tirada badnaa (rag iyo dumar) ee min bilowgii aasaaska illaa maanta, sida hagar la’aanta ah hiil iyo hoo ula hareer taagnaa Xisbiga Kulmiye. Ma illaabi doonno dadkaa, waanan u abaal hayn doonnaa. Sidoo kale, waxaan si weyn ugu mahad celinayaa Madaxdii Xisbiga, Hoggaanka, Guddida Fulinta, Xubnaha Golaha Dhexe, iyo haldoorkii aan odayga u ahaa ee habeen iyo maalin garabka iyo gaashanka ii ahaa, taariikhda Xisbiga waxay kaga suntan-yihiin baal-dahab. Intii dhimatayna, Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo.

 

Loolanka iyo Afkaarta Kala Duwan ee Xisbiga Dhexdiisa

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

In la abuuro xisbi siyaasi ah, oo ay madashiisa ku kulmaan qoodh iyo qoorweyn kala damac iyo dabci duwani ma aha xirfad sahlan. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa (Maan rag, waa mudacyo af-kood), sidaa darteed, ma aha wax fudud maaraynta iyo ka midho dhalinta mabaadiida lagu midayn karo madaxda iyo mijaha kala midabka iyo maanka duwan ee xisbi leeyahay. Isku haynta afkaarta iyo aragtiyaha soo kala horjeeda, waa caqabadaha ugu adag ee hor yaal hogaamiye kasta oo leh han siyaasadeed. Xisbiga Kulmiye waxa uu ka soo gudbay marxalado badan oo aad u adag, kuwaasoo dadka qaarkii mala awaaleen in ay tahay dhammaadka Xisbiga Kulmiye, hase yeeshee, uu ka dhaxlay karaar iyo xawli hor leh. Kala duwanaanshaha afkaarta iyo aragtiyaha ayaa mararka qaarkood sabab u ah ismaandhaaf iyo khilaafyo dibedda u soo baxa, taas oo ah dabeecadda aadanaha iyo ta nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu jilayno.

 

Xisbiga Kulmiye, wuxuu ku caan baxay, oo dhaqan soo jireen u ah, in uu markasta arrimihiisa ku xaliyo isu tanaasul, talo wadaag iyo isqancin, iyadoo ay xilkaskiisu danta guud ee xisbiga had iyo jeer ka hor mariyaan danaha gaar ahaaneed.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxaynu wada ognahay, in maalmahan dambe bulshadu aad u hadal hayso loolanka Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, inkasta oo tartan kani, gaar u yahay xisbi ka mid ah xisbiyada Qaranka, haddana waxaa muuqanaysay in xafiiltanka iyo xamaasadda ka dhalatay loolanka ka dhaxeeya murashaxiinta Xisbiga Kulmiye, aad loogu dheg taagayo.

 

Marka laga tago in Kulmiye yahay xisbiga talada dalka haya, waxaan is leeyahay, hadal hayntaa badan waxaa sabab u ah, mustawaha iyo maqaamka sare ee Xisbiga Kulmiye ku leeyahay shacbi weynaha Somaliland (Popularity), taas oo aan hoos u dhicin shan sanno iyo badh, ka dib xilligii la doortay.

Tuhun Saar iyo Eed Reeb

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxaa hubaal ah, in uu khilaafkii ka dhashay loolanka Xisbiga Kulmiye, uu sababay in rag inaga mid ah oo hore u iclaamiyey inay yihiin murashaxiin, ay maanta ka maqan-yihiin madashan. Anigu shakhsiyan kuma faraxsani tallaabadan ay qaadeen saaxiibbaday, Somaalidu waxay tidhaahdaa, “Afkaaga oo aan kaa rogin eed aanad qabin, Alla goy baa la yidhaahdaa”. Sidaa darteed, waxaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo bulsho-weynta reer Somaliland u caddaynayaa, in aanan qabin eedaha iyo xajiimaha la igu xoqayo. Qof ahaan, markaan ahay Axmed Silanyo, xaq baan u leeyahay in aan taageero tartamayaasha mid ka mida, mana jiro xeer ii diidaya ama iga dabraya arrintan, balse, waxaan idiin caddaynayaa in aan dhex ka ahay tartanka Xisbiga Kulmiye. Mar labaad iyo mar saddexaadba waan ku celinayaa, ee waxaan leeyahay ammaanadii ummaddani ii dhiibatay iyo awooddii Dawladnimo, uma adeegsan taageeridda murashax gaar ah.

 

Tallaabooyinkii Dhex-dhexaadineed ee aan Ku Tallaabsaday

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Bilowgii markii ay isoo gaadhay cabatinno la xidhiidha qaabka loo diiwaangalinayo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaan ka galay murankaa dhex-dhexaadin iyo isu soo dhawayn. Waxaan khilaafkii ku dhammeeyey in hawshan ay si wada jir ah u wada fuliyaan Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee ka soo kala jeeday laba dhinac iyo oday Axmed Xaaji Cali Cadami, si loo helo kalsooni dhex marta dhinacayada tartanku ka dhexeeyo. Muddo ka dib, waxaan murrashaxiinta maqan iyo xubnaha hoggaanka taageersan cabatinkooda ka maqlay warbaahinta, iyadoo aanay wax dacwad ah ii soo gudbin, isla markaana wax warbixin ah igaga soo celin heshiiskii hore.

 

Ka sokow, masuulka aan u wada ahay Qarankan mucaarid iyo muxaafid, waxaan ahay Odaygii guud ee Xisbiga Kulmiye. Waxaan ahay, marjicii iyo mus-danbeedkii Xisbiga Kulmiye. Sidaa darteed, anigoo masuuliyaddaa gudanaya, waxaan mar labaad u yeedhay Xubnihii Hoggaanka ee taageersanaa Murashaxiinta maqan. Waxaan dhagaystay cabatinkoodii iyo dhammaan arrimihii ay saluuga ka muujiyeen. Dhinaca kale, waxaan u yeedhay xubnihii hoggaanka kale ee laga cabanayey, waxaan dhagaystay warbixintoodii iyo jawaab celintii tuhumadii loo jeediyey. Ka dib, waxaan kulan isu yeedhay labadii dhinac ee kala cabanayey. Nasiib darro, laba habeen oo is xiga gogoshii aan u fidiyey kamay soo xaadirin dhinicii cabanayey.

 

Maadaama aan dhagaystay doodda labada dhinacba, waxaan qaaday tallaabo muhiim u ahayd turxaan saarka iyo xallinta khilaafka Xisbiga soo dhex galay. Waxaan magacaabay guddi madax bannaan oo ka kooban shan xubnood, oo aan u xil saaray in ay xaqiijiyaan soona hubiyaan arrimaha tuhunku ka jiro iyo cabatinnada la xidhiidha. Guddidaas oo u badnayd raggii cabanayey ama tuhunka qabay, waxay baadhintaankoodii ku soo gabo-gabeeyeen in Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee la diiwaan-galiyey ay yihiin kuwii saxda ahaa, marka laga reebo toban xubnood oo beddel ah oo loo buuxiyey hab aan sharciga Xisbiga waafaqsanayn, kuwaas oo ay go’aamiyeen in la joojiyo, aniguna aan ku raacay.

 

Kaliya kagama hadhin isu soo jiidka raggaygii igu xeernaa tallaabooyinkaa aan kor ku soo sheegay, balse waxaan kulano gaar gaar ah oo aad u kala duwan la qaatay hormoodka Xisbiga.

 

Ugu dambayn, waxaan si odaynimo leh ugu baaqayaa Murashaxiinta madashan ka maqan in ay shirka maanta ka soo qayb galaan, isla markaana si xor ah u tartamaan. Waxaan leeyahay, dhammaan Murashaxiinta tartamaysa, guushu laba nin ma wada raacdo, calafkuna waa halkiisa. Sidaa darteed, waxaa waajib ah in wax la isu haneeyo, waar lafaha gura, xarragadana ha ka tagina.

 

Ka Tanaasulka Musharraxnimada Xisbiga Kulmiye

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Sida aad xogogaal ka tihiin, waxaan ahay Madaxweyne hal mar loo doortay si dimuqraadi ah, kaas oo kalsoonida lagu qabo iyo taageerada loo hayaa toona aanay is dhimin. Sida ay qeexayaan Dastuurka iyo shuruucda Dalku, waxaan xaq u leeyahay inaan mar labaad murashax noqdo, isuna soo taago jagada Madaxweynenimada Dalka.

 

Hasa yeeshee, waxaan si rasmi ah maanta ugu caddeynayaa Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, iyo dhamaan shacbi-weynaha Somaliland, in aan ikhtiyaar-kayga uga tanaasulay in aan mar kale isu soo sharraxo Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka qabsoomi doonta 27-ka March, 2017-ka. Sababaha soo socda awgood:

 

  1. Waxaan door biday in aan fursad siiyo, saaxadda mustaqbalkana u baneeyo siyaasiyiintii iyo saaxiibbadii sannadaha badan safka igula jiray.

 

  1. Kursi jacaylku, waa cudurrada cadowga u ah hoggaamiye kasta, sidaa darteed, waxaan door biday in aan kaga dego hoggaaminta Dalka qaab ka duwan sidii ay Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliland kaga tagi jireen, si ay ugu noqoto kuwa dambe, tusaale ku dayasho fiican leh.

 

  1. Si aan u dhamaystiro dhitada iyo dhaxalka aan muddada dheer soo dhisayey, waxaan door biday, in aanan wax damaca ku yeelan doorashooyinka soo socda, isla markaana aan noqdo oday guud oo dhex u ah guud ahaan Xisbiyada Qaranka, gaar ahaanna Xisbiga Kulmiye tartanka ka dhex socda.

 

Wax-qabadka Xukuumadda iyo Bernaamijkii Xisbiga Kulmiye

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, shaki kuma jiro, oo waa laga wada dheregsan yahay, in muddadii ay Xukuumaddani xilka haysay, wax weyn ka qabatay horumarka iyo dhismaha Dalka. Isbeddelkani wuxuu ka turjumaya ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiye bulshada u yaboohay xilligii ololaha Doorashada. Xukuumaddani waxay:

  1. %120 kordhisay mushaharka shaqaalaha dawladda oo dhan.
  2. Waxay kobcisay Shan-jibaar Dakhliga Dalka ($47 Milyan to $251 Milyan).
  3. Waxay suurto gelisay bixinta derajada Ciidammada iyo daryeelkoodaba.
  4. Waxay suurto gelisay waxbarashada bilaashka ah.
  5. Waxay kor-u-qaadday oo tayaysay adeegyada Caafimaadka.
  6. Waxay kor-u-qaaday siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka beesha caalamka.
  7. Waxay abuurtay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
  8. Waxay daah-furtay, dunidana ku baraarujisay khayraadka-dabeeciga ah ee Dalka.
  9. Waxay dhiiri-gelisay maal-gashiga iyo aaminaadda beesha caalamka.
  10. Waxay suurto gelisay furashada ururrada siyaasadda.
  11. Waxay haweenka iyo dhallinyarada siisay fursadaha ay kaga qayb galeen maamulka Dalka.
  12. Waxay suurto gelisay dhismaha waddooyinka iyo madaaradda Dalka.
  13. Waxay suurto gelisay dhismaha iyo dayac-tirka xarumaha Haya’adaha Qaranka.
  14. Waxay ka dhabaysay lacag-ka-beddelka Goboladda Bari ee Dalka.
  15. Waxay ku guulaysatay sugidda xuduudaha Dalka.
  16. Waxay dhiirri-gelisay nabadda iyo wada-noolaanshaha Gobollada Bari ee Dalka.
  17. Waxay la timid daryeelka iyo xannaanaynta danyarta iyo agoomaha.
  18. Waxay Beesha Caalamka si cad u tustay inaynu wax qabsan karno.
  19. Waxay wax ka qabatay biyo gelinta Gobollada Dalka iyo ballaadhinta mashruuca Biyaha Caasimadda.
  20. Waxay samaysay, isla markaana dhaqan gelisay Xeerar badan oo Dalkan muhiim u ah.
  21. Waxay kor-u-qaadday tayada warbaahinta Qaranka, waxaanay samaysay Idaacad Dalka oo dhan wada gaadha, iyo kuwa Qur’aanka u gaar ah.

 

Gebo-gabo iyo Dardaaran

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Hadaf iyo himilo kasta oo aynu leenahay, waxaynu ku gaadhi karna isku duubni. Midnimada iyo wada jirku waa waxa qudha ee ay ummadi ku meel marto. Sidaa darteed, waxaa lagama maaramaan ah in aynu midayno muruqeenna iyo maskaxdeenna, isla markaana aynu meel uga soo wada jeedno ilaalinta nabadgelyada, madax-bannaanida iyo difaaca Qarannimada Somaliland. Haddaba, si aynu u xaqiijinno waajibaadka inaga saaran Qarankan, waxan idinku baaqayaa in aad gacmaha is qabsataan, wixii khilaaf dhexdiina yimaaddana aad wada hadal ku dhammaysataan.

 

Somaliland ha guuleysato In sha Allaah,

 

Waad Mahadsantihiin,,,

 

 

Waxa shirka ka dib la doortay Musharaxa Madaweyne iyo ku xigeenka Xisbiga Kulmiye u tartami doona madaxtinimada Doorashada soo socota ee 2017 ka.

 

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo cod dhan 344 ka helay madasha iyadoo aanay cidi kula tartamin

Madaxweyne ku xigeena ay u tartameen Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo helay 144 cod iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo helay 230 Cod noqdayna musharaxa madaxweyne ku xigeen ee muuse biixi cabdi ku wehelinaaya doorashada soo socota.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here