Afhayeenkii Hore Madaxtooyada Somaliland Oo Tahriib Ku Galay Yurub

0
177

Hargeysa(SDN)Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa la sheegayaa in uu dalka ka tahriibay, ka dib markii uu dhawaan u anba baxay Dalka Turkiga.Dhuxul

 

Safarkii ugu dambeeyay ee uu ku baxay Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa ahaa kii uu ku wehelinayay walaalkii Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax.

afhayeenkii hore oo xilkaaasi iska casilay ayaa ka hor intii aanu ka anbo bixin garoonka diyaaradaha ee Hargeysa warbaahinta u sheegay in safarkiisani uu yahay mid uu ku sii raacayo walaalkii Xasan Dhuxul oo wakhtigaasi xaalad caafimaad ugu anba baxayay dalka Turkiga, hasayeeshee dhawr todobaad ka hor ayuu Abwaan Xasan dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa.

 

 

Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa sida ay shabakada  Sagalnews ka heshay ilo wareedyo u dhuun daloola afhayeenkii hore ku sii jeeda qaarada Yurub, waxaana wararku  ay sheegayaan in uu ka anba baxay dalka Turkiga, siina maray wadamada Giriiga, Macedonia, Faransiiska iyo Jarmalka.

aakhirkii waxa lagu soo waramayaa in uu degay dalka Sweden halkaasna oo uu dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa.

 

 

afhayeenkii hore ayaa xilka iska casilay muddo hada laga joogo dhawr bilood, waxaanu ku biiray Garabka Is Bahaysiga Kulmiye oo uu qaadacay shirkii xisbiga Kulmiye.

 

Sources:- Sagalnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here