Afayeenka Sulaadiinta Somaliland Oo Degmada Sabowanaag Ugu Deeqay Gaadhi Ambalace Ah Iyo Lacag Dhan Laba Kun Oo Dollar $2,000

0
190

Hargeisa(SDN)Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey Oo Ah Afayeenka Sulaadiinta Somaliland Ayaa Habeenimadii Xalay Kulan Ay Soo Qaban Qaabisay Dalada Horumarinta Degmada Sabo Wanaag.

suldaan xiiray

Ee Taban Taabo  Oo Lagaga Hadlaayey  Horu Marinta  Degmadaasi. Kaga Dhawaaqay   In Uu Si Mug Leh Uga Qayb  Qaadanayo Horumarinta Degmada.

Afayeenka Sulaadiinta  Somaliland  Yuusuf Muxumed Xiirey  Ayaa  Shirkaasi  Xalay  La Iskugu  Yimi  Kaga Dhawaaqay  In Uu  Degmada Ugu Deeqayo  Lacag  Dhan  Laba Kun Oo Doolar $2000 Iyo  Waliba  Hal Gaadi Oo Ambalace  Ah  Oo Lagaga  Shaqayn Doono   Xarunta Caafimaadka Ee Degmada Sabowanaag.

Suldaanka Ayaa Dhinaca  Kale Ka   Si Diiran  Usoo  Dhaweeyey   Masuuliyiinta Turkiga Ee Nile Academy   Iyo Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Maxamed Caraale  Duur Oo  Halkaasi Iguna Kaga  Dhawaaqay  Lacago  Kala Duwan Iyo Waliba  Koon Tiindhar  Qalabka  Iskuulada Ah.

Suldaanka   Oo Hadalka Ku  Dheeraaday  Ayaa   Dadweynaha Ku  Booriyey   Inay Ka  Qayb  Qaataan  Horumarka  Degmda Sabowanaag.

Waxaana hadaladiisii kamid  ahaa:- “Dee Qoladayan Sulaadiinta Ah  Cidi Mushahar Ma Siiso  Meheradana Malaha  Geelna Uma Dareero  Hadana Hadii  Laystaabo Dee Waan  Laga Qayb Qaataa  Qaadhaanka  Horumarinta   Degmada   Waxaan  Halkan Ka Balan  Qaadayaa  $2000(Laba Kun Oo Dollar) Oo  Lagu  Bixin  Doono  Gaadhi U  Shaqeeya  Waxbarashada  Degmada  Oo Hoos Imanaya  Tabantaabo  Gaadhigaas Oo Ah Surf  Qiimihiisunaya  Yahay  $ 7000 Oo Dollar  Oo  Masuuliyiinta Dawladuna Wax Ka Bixiyen  Sida Wasiirka Waxbarashada Iyo Waliba  Gaadhi   Ambalace Ah  Kaasi  Oo Meel Aan Ka Doonaba  Aan Doonayo   Idiina Balan  Qaadayo  Ama Jeebkayga Aan Dib Uugu  Noqdo  Ama Aan Cid Kale La Kaashadee”

Maaha markii  ugu  horeysay  ee   Afayeenka Sulaadiintu  Ka  Qayb Qaato  deeqaha iyo horumarinta Degmada  isaga  ah  Haldoorka Mar walba u  heegana  horumarin  degmada   dedaal iyo juhdi  badana u hura

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here