Afar Ka Mid Ah Qodob Ka Soo Baxay Shirkii Buurta Gacan Libaax Oo Aad U Culus

0
1032

Hargeysa(SDN)Afar kamid ah Qodobada kasoo baxay.
Shirka Gacan Libaax oo soo xidhmay Qodobada kasoo baxay waxaa qayb ka ah.

1: In Heshiisyada Saldhiga iyo Dekeda Berbera labbaduba xaaraan yihiin, Dekedda Berbera iyo Madaarkuna noqon doonin hanti loo addeegsado baabiinta qadiyada dalka.

2: In Tobbankii Sanadood ee u dambeeyey dawladnimadii Somaliland god-madow lagu riday siddaasi darteedna inta ka baxday axdigii 1991kii mooyaane in Somaliland inteeda kale loogu baaqayo shirweyne qaran oo lagu samatobixiyo Somaliland.


3:In Madaxweynaha loogu baaqayo soo afjarida Colaada Ceel-afweyn iyo inuu gacanta kusoo dhigo Siyaasiyiin iyo ganacsato Colaada Ceelafweyn dab huriyeyaal ka ah.


4: In Somaliland cid gaar ahi dhaqaalaheedi, shaqaalihii, ciidamadii iyo qandaraasyadiiba 80% ay qaateen ummaddii kalena aan waxba looga tagin siddaasi darteedna la keeno miis Somaliland u dhan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here