Aafooyinka Ragaadiyay Horumarka Afrika W/Q Dhaqaale Yahan Muuse Cabdi Q-2aad

0
124

Sidii aynu maqaalka qaybtii koowaad kaga soo hadalnay mucaawinooyinka la siiyo waddamada afrika iyo koboca dhaqaalahoodu ma noqon sidii laga filayey balse waxayba noqdeen kuwa ragaadiya wax soo-saarkooda kana hor istaaga horumarkii ay gaadhi lahaayeen.

Waxa laga yaabaa in dadku ay badi u arkaan waxaan suurtagal ahayn in iyadoo taageero
maaliyadeed la siinayo waddan in ay hadana waxba tari waydo!!. Balse cilmiga dhaqaalaha oo badanaa daraaseeya arimahan isaga oo tixraacaya taariikhihii hore, kuwan hada jooga iskuna dayaya inuu saadaaliyo waxyaabaha suurtagalka ah in ay dhacaan ayaa inoo sheegaya in aanay mucaawinooyinku ahayn kuwa keeni kara horumarka laga rajaynayo. Maqaalkii hore waxa aynu kusoo qaadanay xogo kooban oo muujinaya heerka mucaawinada afrika iyo kobocooda dhaqaale in ay isku yihiin lidd.

Angus Deaton oo ah dhaqaalayahan ku dhashay magaalada Edinburgh ee Scotland, waxna ka bartay jaamacadda wayn ee Cambridge, sannadkii 2015-kii ayuu ku guulaystay billada Noble prize-ka ee cilmiga dhaqaalaha (Noble prize for Economics). waa dhaqaalayahan daraaseeya faqiirtinimada (poverty) waddamo kamid ah qaaradda Aasiya siiba waddanka Hindiya iyo waddamo Afrikaan ah, wuxuu sidoo kale muddo tobannaan sanno ah uu usoo shaqeeyay Baanka Adduunka.

Markii uu ku guulaysanayey billada Nobel-ka mawduucii uu daraaseeyey wuxuu ahaa sidee dadyawga faqiirka ahi ay ukaydsadaan una kharash gareeyaan lacagta. Tani waxay ku tusinaysaa inuu yahay Nin mawduucan aad ugu dhuun daloola. Marka uu Angus Deaton ka hadlayo macaawinooyinka dibadda wuxuu ku tilmaamayaa in ay tahay musuq-maasuq ay waddamada horumaray ka samaynayaan waddamada Afrikaanka ah, tan oo keenaysa inay kaliya sugaan deeqaha ay dibadda ka helayaan oo waddankuba uu ku tiirsanaado wadamadda wax caawiya.

Mucaawinooyinka la bixiyaa waxa ay sare ukac wayn sameeyeen Sanadihii 1960-1970-yadii
wakhtigaas oo la sameeyey barnaamijyo lacago lagaga ururinayo dadyawga ku nool Maraykanka iyo yurub, taas oo la sameeyay barnaamijyo muujinaya heerka macluusha afrika, isla wakhtigaas Baanka Adduunka ayaa isna udoodayey in mucaawinooyinka dibaddu ay keenaan horumar iyo waliba koboc dhaqaale. Wakhtiyadaasi oo ku began wakhtigii uu socday dagaalkii qaboobaa oo la doonayay in la xadido saamaynta uu Ruushku ku leeyahay dunida.

Daraasado la sameeyey waxa ay tilmaamayaan wakhtiyadii mucaawinooyinka ugu badan ay
Afrika yimaadeen oo ah sanadihii 1980-kii ilaa 1990-kii in dhaqaalihii ay Afrika lahayd hoos
udhac mooyee aan kor ukacba aanu ku imanin, sidoo kale daraasadani waxa ay beeninaysaa guud ahaan fikradihii mudooyinka badan la qabay.

Maxay tahay sababta loo qaadanayo mucaawino? Waa su’aal ubaahan in laga jawaabo, maanta waddamo badan oo Afrikaan ah oo waliba Soomaaliya ay ugu horayso ayaa kharaashaadka dawlada ay waddamo dibada ahi ay bixiyaan, waa marka aad is waydiinayso haddaa maxay taraysa dawladdu hadaanay kharashkeeda bixin Karin? Maxaynu ubixinaynaa Cashuurta?

Dhammaan waa su’aalo mudan in jawaabo loo helo. Mucaawinooyinkani waxa sidoo kale ay
kordhiyaan kutiirsanaanshaha waddamo qalaad oo ujeedooyin fara badan kaleh, isla markaana ka qayb qaadanaya talada waddanka una yeedhinaya waxa ay tahay in la qabto.

Sida uu ku doodayo dhaqaale-yahan Angus deaton wuxu leeyahay waxa ay sidoo kale macaawinooyinku yareeyaan xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo dawladda ay doorteen, isla
markaana waxa ay meesha ka saartaa isla xisaabtankii ka dhaxayn lahaa qaybaha kala duwan ee dawladda sida fulinta. Garsoorka iyo sharci-dejinta. Taasina waxa ay horseedaa musuq-maasuq baahsan oo waddanka oo dhan halakeeya.

 

Waddanku waa in cashuurta uu ka qaado muwaadiniintiisa uu ku fuliyaa dhammaan hawlaha looga baahan yahay dawlada, waddankana mucaawino way iman kartaa lkn yayna noqonin mid ugudbta ilaa heer iyada oo kali ah la sugo.

Haddii kaliya aad eegto waddankeena waxa jooga Haay’ado tiro badan oo kasoo kala jeeda
waddamo aad u badan loona soo dhiibo barnaamijyo horumarineed balse nasiib darro uu aad ukooban yahay waxqabadkoodu, taas waxa sii dheer in Haay’adaha qaarkood siiba kuwa cuntooyinka mucaawinooyinka ah keenaa in ay kusoo began wakhtiyada Beeralayda soomaalidu ay dalagyada soo gooyaan oo ay isku dayaan in ay iibiyaan si tacabkoodii wax uun ugasoo noqdaan, balse nasiib darro dalagyo lamid ah oo bilaash ah suuqa lala soo galiyo taas oo aanay dawladuna wax talaabo ah aanay ka qaadin, ficilkaasina wuxuu niyad-jab wayn ku keenaa dadkii beeralayda ahaa.

Haddaba haddii arintan lasii baadho macnuhu wuxuu noqonayaa waxba ha
beeranina ee annaga ayaa idin siin doona wax walba ee naga suga. Waxaan maqli jiray
maahmaah tidhaahda majirto cunto bilaash ah (there is no free lunch), haddaad maskaxdaada kaashato waxyaabo badan way kaaga soo dhex bixi karaan.
Intaas ayaan kusoo koobayaa maqaalka qaybtii aan kaga hadlayey doorka ay mucaawinooyinku ku leeyihiin koboca dhaqaalaha ee waddamada Afrika.

Buugaagta ugu badan ee aan wax ka tixraacay ayaa ahaa buuga ay qortay dhaqaalayahanadda udhalatay waddanka Zambia ee la yidhaahdo dambisa moyo iyo buugeeda “ dead Aid” Sidoo kalena dhaqaale-yahanka Angus Deaton iyo buugiisa “The Great Escape: Health, Wealth, and the Origins of Inequality.”

Waxaan rajaynayaa inaad tixraacyadaas aad ka heli doontaan macluumaadyo badan insha allah.

Mahadsanidiin,
W/Q: Muuse Cabdi
Email: muuze438@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here