A gaasimaha Cusub Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Xilkii Kala Wareegay Agaasimihii Hore Ee Wasaaradaasi

0
124

Hargeysa(SDN)Waxaa maana xaflad lagu qabtay hoolka wasaarada arimaha gudaha xilkii kula kale wareegay agaasimihii hore ee wasaaradasi arimaha gudaha Cabdisamada Cumara Maal iyo agaasimaha cusub ee dhawaan madaxwayne siilaanyo soo magacaabay Cabdi fataax Siciid Axmed, waxaana munisbadaasi ka soo qay galay xubno wasiiro ah iyo maayarada magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera Gabilay, masuuliyiin ka tirsan dawlada xildhibaano iyo waliba shaqaala waynaha wasaaradaasi.

 

 

 

 

Waxaana ugu horayn xafladaasi ka hadlay madaxa shaqaalaha ee wasaarda arimaha gudaha Maxamed Cismaan Dubbe, isagoo uu  hadalkiisu ahaa mid soo dhawayn & dhiiri-galin, waxaanu halkaasi uga mahad celiyay agaasimiihi hore ee wasaardasina

 

 

 

Waxaa kale oo ayana halkaasi hadalo kooban ka jeediyay maayarada Hargeysa,Berbera Iyo Gabiilay iyo hadalkoodu daaraa soo dhawaynta agaasimaha cusub illahayna uga baryay in xilkaasi uu ku asturo una mahada celiyay agaasimihii hore ee wasaarada arimaha gudaha ayagoo ku sifeeyay shakhsi hawl-kara oo dadka iyo dadkaba daacad u ahaa kana soo baxay xilkiisi.

 

 

 

Waxaa isna halkaasi ka hadlay agaasimihii hore ee wasaaradaasi Cabdisamada Cumara Maal isagoo wax ka taabtay wax qabadkii intiii uu joogay wasaaradaasi in mashaariici tiro badan ay ka fuliyeen magaalooyinka ay ka midka yihiin Hargeysa, Berbera, Burco, Boorama, Sheekh, Oodwayne oo uu sheegay in dhamaan wax qabad la taaban karo ka sameeyay magaalooyinkaas, waxaa isna ereyo kooban ka jeediyay halkaasi agaasimaha cusub Cabdifataax Siciid Axmed waxaana uu carabka ku dhuftay in uu wasaaradan uu ku soo kordhin doono wax yaalo cusub

 

 

 

Isku soo wadaduubo waxaa ugu danbayn halkaasi xilalaka ukala wareejiyay wasiir ku xigeenka gobolada iyo dagmooyinka wasaarada arimaha gudaha jamhuuriyada somaliland Jaamaca Cabdilaahi warsame (Biin) isagoo sii sagootiyay agasimihii hore ee wasaardaasi Cabdisamada Cumara Maal soona dhaweeyay agaasimaha cusub ee wasarada loo soo magaacabay Cabdifataax Siciid Axmed isgoo ilaahay uga barayay in shaqadaas cusub ee loo soo magacaabay u fududeeyo

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here