“90% Dadka Reer Awdal Ee Dibadda Joogaa Waa Dad Reer Somaliland Ah”. Cabdiraxmaan Saylici

0
203

Hargeisa(SDN)Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo maanta dalka kusoo laabtay ayaa ka hadlay ujeedka Safar uu isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa ugu maqnaayeen Wadamadda Maraykanka iyo Canada.waxa uu Md.Saylici sheegay inay la kulmeeacn madaxda badan oo ka tirsan wadamadaas iyo Jaaliyadda reer Somaliland eek u dhaqan Wamadda Caalamka qaarkood,iyaga oo kala hadlay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Jamuuriyadda Somaliland iyo Bulshadda Caalamka iyo sidii loo sii xoojin lahaa Wadashaqaynta ay Somaliland la leedahay Wamadda Dunida.

 

Waxa kale oo uu sheegay Madaxweyne Ku-xigeenka oo la weydiiyay haddii ay jiraan shaqsiyaad ku abtirsada Gobolka Awdal oo ku dhaqan Wadmadda Dibadda inay gacan siiyaan Suldaan WABAR,ayaa sheegay in 90% qurbejooga reer Awdal ay yihiin dad reer Somaliland ah. Dadka inta badan waxa laga soo qaataa uun aqlabiyadda,dadku inta badan waxa uu yeelan karaa kala fikir-duwanaanaasho,laakiinse boqolkiiba sagaashan dadka reer Awdal ee dibadda joogaa waa dad reer Somaliland ah” ayuu yidhi Md. Saylici

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here