Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Xalay Soo Xidhay Carwada Jaamacadaha Somaliland Oo Socotay Laba Cisho (Sawiro).

0
341

Hargaysa (SDN) Waxaa habeenimadii xalay ahayd lagu soo gaba gabeeyay  Hargaysa carwada Jaamacadaha Somaliland oo ay ka soo qayb galeen jaamacado tiradoodu  ahayd (32) Sodan Iyo Laba Jaamacadood.

Carwadan ayaa socotay muddo laba cisho ah, taasi oo ay jaamacadaha ka soo qayb galay  ay ku soo bandhigeen aqoonta kala duwan ee ay ardayda udhigaan, sidoo kale waxa ay jaamacad walba lasiiyay wakhti ay ku soo jeediso hal mawduuc, taasi oo qiimayn lagu samaynayay hababka ay usoo kala jeedinayaan mawduucyada iyo mawduucyada ay kala qaateen jaamacaduhu.

 

 

Ugu horayna waxaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii iyo sidii ay hawshu usocotayba Agaasimaha Tacliinta Sare ee Somaliland Yuusuf Axmed Cali “Waxaynu halkan ku qaadanay laba cisho oo aynu kaga faa’iidaysanay dhaqankii, siyaasadii, dhaqaalihii iyo aqoontii kalaba, waxayna caawa soo gaadhnay gabagabadii,waxaynu shahaadooyin gudoon siin doonaa dadkii iyo  jaamacadihii  labadii cisho ee ay socotay carwadu dadaalka badan muujiyay, mudana in shahaadooyin lagudoon siiyo” ayuu yidhi Agaasime Yuusuf Axmed Cali.

 

 

 

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay agaasinuhu in ay jirtay gudi qiimaynaysay intii carwadu socotay agabka iyo qaabka ay jaamacuduhu uga soo qayb galeen carwada ku waasi oo saddexdii jaamacadood ee qiimaynta ay sameeyeen ugu sareeyay gudoon siiyay shahaadooyin, waxaanu xusay gudoomiyaha gudida qiimaynaysa jaamacaduhu in ayna jaamacadaha ku kala qiimaynin tayada  waxay dhigaan laakiin qiimayntani ahayd oo keliya siday carwada uga qayb qaateen.

 

 

IMG_4554 IMG_4576 IMG_4579 IMG_4583 IMG_4585 IMG_4588 IMG_4606IMG_4258IMG_4259

Ugu dambayntiina waxaa carwada jaamacadaha Somaliland oo labadii cisho ee u dambaysayba ka socotay Hudheelka Guuleed soo xidhay wasiirka wasaarada wax barashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane oo sheegay inuu ku faraxsanyahay in Carwo noocan oo kale ah ay iskugu yimaadaan Jaamacadaha Somaliland “ dhamaan jaamacadihii ka soo qayb galay ee weliba meesha fog kayimid sida Badhan, Laascaanood, Ceerigaabo aad iyo aad ayay u mahadsanyihiin, jaamacadaha sida firfircoon usoo bandhigay casharada aad ayay umahadsanyihiin, waxaa loo baahanyahay in ladaabaco oo hal bug laga dhigo saddex iyo tobankaa mawduuc ee ay jaamacaduhu soo bandhigeen, diyaanra waanu unahay arinkaa waxaanan agaasimka guud ee tacliinta sarana  farayaa inay keeneen si loodaabaco” ayuu yidhi wasiirku.

 

 

Waxaanu wasiirku amaan usoo jeediyay cidkasta oo wasaarada wax barashada katirsan oo ka qayb qaadatay carwada “ agaasimka guud ee wasaarada tacliinta sare iyo shaqaalihiisaba amaan ayaan usoo jeedinayaa” ayuu yidhi wasiirku.

Mar uu wasiirku ka hadlayay kor uqaadida tayada waxbarasha ayaa waxa uu yidhi “ anaga waxay noola muuqatay in ardaydu ay ubaahanyihiin wakhti badan oo laga dhiso luuqadaha Ingiriisiga, carabiga iyo Afsomaliga ujeedaduna waa tayaynta wax barashada, arintaa tayaduna sidaan hore usheegay macalinka oo latayeeyo mooyee masuuroobayso, maantana waxaanu bilawnay dhismihii kuliyada tobobarka macalimiinta, waxaanu noqon doonaa hoygii waxbarashada macalimiinta” ayuu yidhi.

 

 

Waxaa sidoo kale xidhitaankii carwada hadalo kajeediyay qaar kamida masuuliyiinta jaamacadihii kasoo qayb galay carwada, kuwaas oo dhamaantood xusay faa’iida ay leedahay in carwo noocan oo kale ah ay jaamacadaha Somaliland ku kulmaan, Carwadan oo ay qayb laxaadle ka qaateen xaga kharashaadka Midawga Yurub (EU ) iyo hay’adda Save the Children kana mid ah Mashruuca horumarinta waxbarashada ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan.

IMG_4607 IMG_4614 IMG_4623 IMG_4649 IMG_4650IMG_4630IMG_4484IMG_4585

Suradnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here