Shirkada Isgaadhsiinta Ee Somtel Oo Daah Furtay Adeega Cusub Ee E-Dahab (Daawo Sawirada)

0
211

Hargeisa(SDN) Shirkada Dhinaca Isgaadhsiinta Ee Somtel Ayaa Waxaa Ay  Maanta Xaflad Baladhan U Qabatay Daah-furka Adeega Cusub Ee E-Dahab .

Munaasibadan Oo Ka Dhacdey Hotel Guleed Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland,Wasiirka Maaliyada,Wasiirka Duulista Iyo Hawda, Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland , Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ,Agaasimaha Adeega E-Dahab Ee Somtel Madax Ka  Socota Shirkada Dahabshiil Group  Iyo Masuulyiin Kale .

Ugu Horeyna Waxaa Munasibadaasi Ka Hadlay Cabdiraxmaan Cali Cabdi Oo Ka Mid Ah Masuulyinta Shirkada Dahabshiil Group Waxana Uu Sheegay In Adeegan Cusub Ee Ay Maanta

 

Daah Furayso Shirkada Isaadhsiinta Ee Somtel U Yahay Mid Baahi Weyn Loo Qabey Isla Markaana Furasado Shaqo Siiyey Dad Badan Ama Dhalin Yar Badan Oo Rer Somaliland Ah

Siciid Maxamed Siciid Ducaale Oo Ka Mid Ah Madaxda Boodhka Ee Shirkada Somtel Oo Munaasibadaasi Hadlo Kooban Ka Yidhi  Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Shirkada Somtel Ay Noqotay Mid Horumaro Faro Badan Sameysay Tusaale Ahaana Adeega Cusub Ee Lagu Magacaabo 4G Oo Shirkada Somtel Ka Hir Galisay Dalka Isla Markaana Somaliland Noqotey Dalkii  Afraad Ee African Ah Oo UU Adeegaasi Gaadho.

Sidoo Kale Waxaa Uu Tilmaamay Siciid Maxamed Siciid Ducaale In Adeegan Cusub Ee E-Dahab Uu Noqon Doono Mid  Bulshada Faa,ido Weyn U Leh Isla Markaana Dabooli Doono Baahiyo Fara Badan Oo Ay Qabaan  “Waxaan Idiin Sheegaya Waxaa Aynu Kaga Jirnaa Xaga Technogy da Dalalka Ugu Horeeya Waliba Inaga Oo Ah Dal Faqiir Ah Adeegag 4G  Waxeynu Nahay Dalkii Afraad Ee Africa Laga Fuliyey Taas Oo Ay Shirda Somtel Fulisay  Waxanan Idiin Leeyahay Aniga Oo Hadalkeyga Soo Koobay  Waad Ku Mahad San tihiin Ka Soo Qeyb   Galka Xaflada Daah Furka Adeega Cusub Ee E-Dahab “ Ayuu  Yidhi  Siciid Maxamed Siciid Ducaale Oo Ka Mid Ah Madaxda Boodhka Ee Shirkada Somtel.

Dhinaca Kale Waxaa Isna Munaasibadaas Ka Hadlay Agaasimaha Guud Ee Adeega E-Dahab Ee Shirkada Somtel Fu,aad Axmed Nuux Waxaa Uu Sheegay In Adeega E-Dahab Oo La Bilaabay Sanadkii 2014 kii Ay Ilaa Hada Is Diwaan Galiyeen Dad Tiradoodu Gaadhay Ilaa 100,000 Qof (Boqol Kun Oo Qof) Dhamaanba Gobalada Somalilan Isla Markaana Adeegan Laga Heli Karo Dhamaanba Gobalada Somaliland

Dhinaca Kale Waxaa Iyaguna Munaasibada Kalmado Kooban Ka Yidhi Suldaan Axmed Daahir Oo Ku Hadlaayey Afka Madax-Dhaqameedka Somaliland Iyo Sheekh Maxamed Aadan Waxaana AY Dhamantood Xuseen In Adaagan E-Dahab  Uu Yahay Mid Bulshadu Baahi Weyn U Qabtay Isla Markaana Ay Aad U Soo Dhawenayaan Shirkada Somtel Ama Dahabshiil Group Ay Aad Ugu Mahad Celinayaan Horumarka Balaadhan Ee Ay Dalka Ka Wado.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri  Oo madasha Kalamado Kooban Ka Yidhi Ayaa Waxaa Uu U Mahad Naqay Shirkada Somtel Ee Adeegan Cusub Daah Furtay  Kuna Aamaney Horumarka Xoogan Ee Ay Dalka Ka Wadaan  Waxana Uu Ku Dhiiri Galiyey In Ay Halkaasi Ka Sii Wadan Dadalkaasi Xoogan .

Sidoo Kale Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Cabdi Dirir Cabdi Oo Ka Mid Ah Masuulyiintii  Madasha Ka Hadley Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Shir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here