Xaalada Baanka Dhexe Ee Hargeisa Oo Liidata Iyo Sarifka Suuqyada Somaliland Oo Koru Kac Ku Imid

0
298

Hargeisa(SDN)iyadoo maalmihii u danbeeyey suuqyada Magaalada hargeisa lagu arkayey qiimaha sarifka lacagta oo kor u kacay ayaa waxay dad badani is way diinayaan sababta ay xukuumada Somaliland oo arintaasi ku shaqo leh wax uga Qaban wayday.

Gudoomiyaha baanka Somaliland cabdi dirir cabdi ayaa ah mid aan inta badan ka soo xaadirin xafiiskiisa amuurta iyo yaabka jira oo ah wakhtiyada laga helo oo aan wax shaqo ah ka jirin xafiiskiisa mar aanu ku booqanay xafiiskiisa ayaa waxa naloo sheegay in aanu iman xafiiskiisa wakhtigaasi.

Geesta kale sariflayaasha quuqyada Magaalada hargeisa oo noo shaaciyey in lacag aad u badani soo gashay Magaalada oo kaash ah taasina keentay in uu qiimaha lacageed ee shilinku hoos u dhaco,tan iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo marto dalkani socod baradka ah ee Somaliland ayaa waxa isa soo taray dhaq dhaqaaqyada ganacsi ee ka jira amaba ka hir galay guud ahaan dalkani jamuuriyada Somaliland oo uu gumaysan jiray mustacmarkii ingiriisku.

Baanka hargeisa oo sidaa aan aad u shaqay ayaa waxa lagu tilmaamaa mid gabay xilkiisii taas badalkeediina uu yahay sababta keentay lasocod la aanta xaalada dhaq dhaqaaq ee qiimaha sarifkaa lacagaha qalaad ee wadanka soo galay.

Shabakada suradnews.com waxay markasta ku feegan tahay sidii ay u soo gudbin lahayd xogta dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo guud ahaanba gaiga soomaalidu dagto waxaanu idiin soo gud bin doonaa xaalada baanka dhexe ee hargeisa oo liidata taasi oo aad ku arki doontaa warbixn dhamaystiran.

Xafiiska War-Qabadka Hargeisa
Hargeisa Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here