Maraykanka Iyo Isra’iil Oo Isku Khilaafsan Nuclearka Iran

0
257

Tela Aviv (SDN)-Khilaafka Dawladda Maraykanka iyo Israel u dhexeeya ayaa sii xooggaystay kadib markii Ra’isal wasaaraha Israel Benjamin Nantenyahu Maraykanka iyo Quwadaha Caalamka ee wada xaajoodka kula jira Iran ku eedeeyay inay ka tanaasulayaan qorshihii lagu doonayay in Iran lagaga joojiyo samaysashada Hubka Nuclear-ka ah.

7272b2903eb5710a9eb14fa31c77ccfd_L

Khudbad ee Taageerayaashiisa u jeediyay Mr Nentanyahu waxa uu sheegay in ay tahay mas’uuliyad isaga saaran in uu ka hortago waxa uu ugu yeedhay halis aad u weyn oo ka imaanaysa barnaamijka Nuclear-ka dalka Iran. Dhanka kale xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry oo ka hadlayay Washington ayaa ku adkaystay in ammaanka Israa’iil uu haatan sugan yahay sababo la xidhiidha wada hadalada caalamiga ah ee lala galay xukumadda Iran. Xoghayaha Khaarajiga Maraykanka John Kerry, waxa uu sheegay in Netanyahu Aragtidiisa iska Cabbirtay ama Xukun iska gaadhay balse waxa uu aaminsan yahay ay Khalad noqon karto. Xidhiidhka u dhexeeya mareykanka iyo Israa’iil waxaa aad u sii xumeeyay qorshaha Netanyahu uu ku doonayo in uu Khudbad ugu jeediyo congress-ka maraykanka todobaadka dambe kaddib markii uu casuumad ka helay hoggaamiyeyaasha xisbiga jamhuuriga.

Suradnews/Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here