Xisbiga Ucid Oo Wacdaro Ka Dhigay Beerta Xoriyada Ee Hargeysa

0
580

Hargeysa(SDN)Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID oo maalintii afaraad ee ololihiisa banaanbax weyn ka dhigay xarunta beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa kaasi oo ku soo bandhigay tageerayaal aad u tiro badan oo ku labisan astaanta xisbiga ee calanka dooga ah kuwaasi oo xarunta beerta xoriyada ku soo bandhigay hadalo ay ku tageerayaan xisbiga UCID oo ay ka mid ahayd Faysal Doorta Waa daacade.

 

Waxaana Ka soo qayb galay masuuliyiinta sare sare ee xisbiga oo ugu horeeyo murashaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbigaasi,Madaxa ololaha xisbiga Ucid,Xoghayaha golaha dhexe,gudoomiyaha gobolka maroodijeex iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Xoghayaha golaha dhexe Mud Naasir Yusuf Qodox oo sheegay in dalku u baahan yahay isbadal caafimaad qaba taasina lagu heli karo doorashada oo la doorto xisbiga Ucid.

 

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadaly murashaxa madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen Eng Faysal Cali Waraabe iyo Pro Abyan oo labadooduba halkaasi kaga dhawaaqay in ay balan qaadayaan in ay dhisi doonaan dawlad ku dhisan cadaalad hadii la doorto waxaanay fariimo waa weyn u direen dhigooda kale ee labad xisbi.

 

v

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here